4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2013
Maayarka cusub ee Degmada Saylac oo xilka la wareegay Iyo Gaari uu lahaa oo lagu gubay Xafiiska Barasaabka Gobolka Selel

Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Saylac ayaa sheegaya in munaasabadii xil-wareejinta Maayarka cusub ee degmadaas ay si wanaagsan ugu dhacday xarunta barasaabka gobolka Selel waxaana kasoo qayb-qalay xil-wareejintan saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada Saylac ayaa sidoo kale waxaa dab la qabadsiiyay baabuur ay dowladu leedahay oo uu wadan jiray maayarkii hore ee Saylac, maantana la rabay in lagu wareejiyo maayarka cusub ee xilka lagu wareejiyay.
Baabuurkan dabka la suray ayaa dhex-yaallay xarunta barasaabka gobolka Salal, illaa haddana madaxda amniga kama soo bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan cidda dabka surtay gaariga.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in gaariga la gubay intii ay socootay xafladdii uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee degmada Saylac, waxana la sheegayaa in arrintan ay salka ku hayso koox diiddanaa xil-wareejin oo dalka dibaddiisa ka yimid kuwaasoo damacsanaa inay qalqal geliyaan dawladnimada iyo nabadgalyada.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in falkan lagu xiriirinayo inuu ka dambeeyay barasaabka gobolka Salal oo baabuurku ku xeraysnaa xaruntiisa oo ciidammo boolis ahi ay ku hareereysnaayeen, waxaana dadka lagu tuhunsan yahay ka mid ah darawalka baabuurka barasaabka laf ahaantiisa oo ay hay’adaha sirdoonku sheegayaan in maalmihii u dambeeyay ay afkiisa kasoo baxayeen hadallo wacad mar ah oo uu baabuurkaasi rabo inuu ku gubo.

Arrintan oo xukuumadda dhexe si weyn uga careysan tahay ayaa waxaa la rajaynayaa inay soo dedejiso xil-ka-qaadis lagu sameeyo barasaabka Salal, Muuse Cismaan oo ku fashilmay inuu dowladnimada u hoggaansamo, nabad-galyadana dhawro, maadaama ay horay u jirtay eedeymo sheegaya inuu gacan-saar la leeyahay kooxaha nabad-xumada kawada magaalada Saylac.

Khadra Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia