4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2013
Dowladda Mareykanka oo Malaayiin lacag ah dul-dhigtay dad u dhashay dalka Suudaan oo la safan Al-shabaab

Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Dowladda Maraykanka ayaa shan milyan oo doollar dul-dhigtay laba ruux oo u dhashay dalka Suudaan oo la rumeysan yahay inay ka barbar dagaalamaan Al-shabaabta Soomaaliya, iyadoo saraakiil Mareykanka u hadlay ay sheegeen in ruuxii xogta labadan qof keena ay siinayaan lacagtaas.

Labadan ruux oo kala ah: Cabdul-baasid Al-Xaaj iyo Maxamed Makaawi ayaa lagu eedeyey inay ka dambeeyeen dilka labo qof oo u shaqeynayey hay’adda Maraykanka ee USAID loogu geystay gudaha dalka Suudaan, kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa ruux u dhashay Suudaan.

Sarkaal u hadlay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in soo qabashada raggan ay si weyn ula kaashanayso dowladda Suudaan, si loo helo xogta la xiriirta halka ay ku sugan yihiin labadan ruux.

Inkastoo saraakiishan aysan sheegin halka ay ku sugan yihiin raggan ayaa haddana waxay sheegeen inay rumeysan yihiin inay ka tirsan yihiin xubnaha Ajnabiga ah ee la safan Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

“Dowladda Maraykanka si weyn ayay uga taxadari doonto ammaanka qof walba oo soo gudbiya xogta labada ruux la doon-doonayo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Mareykanka uu ku lacag ku-dul-dhigo ciddii soo sheegta ajaanib uu doon-doonayo oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Tan iyo markii ay dowladda Mareykanku billowday abaal-marinta ay siinayso dadka u soo gudbiya xogta dadka ay raadinayso ayaa waxay abaal-marin ahaa u bixisay lacag dhan 125 milyan oo doollar, waxaana lagu abaal-mariyay lacagtaan 80 qof oo gacan ka geystay sidii loosoo qaban lahaa dadka la raadinayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaailya