4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Soomaaliya iyo Siiriya oo noqday Dalalkii lagu dilay Suxufiyiintii ugu badnaa ee caalamka lagu dilay sannadkii 2012


Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Dalalka Soomaaliya iyo Siiriya oo ay rabshado ka jireen sannadkii hore 2012 ayaa waxay noqdeen dalalkii lagu dilay suxufiyiintii ugu badnayd caalamka, iyadoo guud ahaan caalamka lagu dilay 121 suxufi, sida ay sheegtay hay’adda isku-tagga suxufiyiinta caalamka ee IFJ oo saldhiggeedu yahay xarunta dalka Belgium ee Brussels.

Hay’adda IFJ ayaa sheegtay in sannadkii 2011 lagu dilay caalamka oo dhan 107 oo keliya, iyadoo inta badan suxufiyiintaas lagu dilay qaraxyo, rasaas toos loola eegtay iyo kuwo ay ku dhacday rasaas la isdhaafsanayay iyagoo ku jira howlahooda saxaafadeed.

“Sababta keentay in dilka wariyeyaasha uu sannadkii hore 2012 sare u kaco waa xukuumadaha oo ku guuleysan waayay inay ka hortagaan dhibaateynta suxufiyiinta iyo beegsigooda,” ayuu madaxweynaha IFJ, Jim Boumelha ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.

Dalka Siiriya ayaa waxaa lagu dilay 45,000 oo qof 21-bilood ee ay socdeen dagaallada looga horjeedo madaxweynaha dalkaas Bishaar Al-Asad, iyadoo dadkaas la dilay ay 35 ruux oo ka mid ah ay yihiin suxufiyiinta iyo dad kale oo warbaahinta la shaqeeya.

Sidoo kale, IFJ waxay sheegtay in 18 wariye lagu dilay gudaha Soomaaliya sannadkii 2012, halkaasoo ay ciidamada Midowga Afrika dagaalamayan xoogagga Al-shabaab, iyadoo wariyeyaashii ugu badnaa lagu dilay Muqdisho oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Weerarro abaabulan oo ka dhacay dalalka Mexico iyo Pakistan ayaa waxaa lagu dilay dal walba min 10 suxufi sannadkii hore oo keliya. Ciraaq iyo Filibiin ayaa iyagana midkiiba lagu dilay min shan suxufi.

“Kororka dilalka suxufiyiintii ugu badnaa lagu dilay sannadkan waa kuwo ku yimid xukuumadaha oo ku guul-darreystay inay difaacaan suxufiyiinta iyo Qaramada Midoobay oo kasoo bixi waday waajibkeedii ahaa inay difaacdo aasaaska ay suxufiyiintu u leeyihiin inay nabadgalyo helaan,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay IFJ.

Hay’adda oo ay xubno ka yihiin suxufiyiin tiradoodu gaarayso 60,000 oo u kala dhashay 134 waddan oo caalamka ku yaalla, ayaa sheegtay in sababta loo beegsanayo suxufiyiinta ay tahay howsha ay bulshada u hayaan iyadoo la doonayo in la aamusiyo.

Dhanka kale, hay’addu waxay sheegtay in Qaramada Midoobay ay ku darto qorshayaasheeda ku aaddan nabadgalyada suxufiyiinta in la sameeyo wacyi-gelin dadka lagu barayo in la dhowro xorriyadda hadalka, in suxufiyiinta ay noqdaan kuwo la dhowro lana joojiyo in la handado iyo in suxufiyiinta ay ka caawiso sidii ay ugu nabadgeli lahaayeen goobaha ay ka shaqeeyaan.

Tira-koobka ay IFJ soo saartay ayaa aad uga badan tirakoob ay soo saartay hay’adda RSF oo fadhigeedu yahay dalka Faransiiska, taasoo sheegtay in la dilay sannadkii hore ee 2012 suxufiyiin tiradoodu gaarayso 88, kuwaasoo ku jiray xilliga ka dilayay howlahooda saxafinimo. Iyadoo tirada ay soo saartay IFJ ay noqonayso tii ugu badnayd ee ay soo saarto muddo 17-sano ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya