4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Guddomiyaha Ururka UGUB: "Ururkayga waxaa lagu reebey Shir-qool ay ka dambeysay Xukuumadda Puntland"

Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UGUB oo ka mid ahaa ururadii ay guddiga doorashooyinka Puntland ku reebeen wareegga koowaad ee diiwaan-gelinta ayaa sheegay in qaab aan sharci ahayn lagu reebay.

Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) oo ah gudoomiyaha ururka UGUB, islamarkaana dhowaan iska casiley xilka gudoomiyaha gobolka Sanaag, ayaa haritaanka ururkiisa ku tilmaamay shirqool ay xukuumadda Dr. Cabdiraxmaan Faroole ka danbeysey, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mudane Dabayl ayaa ugu danbeyntii sheegay in ururkiisu inkasta oo la reebay uusan baabi'i doonin, haseyeeshee uu ka xun yahay in lagu reebay sababo uu ku tilmaamay kuwo aan buurneyn.

Dhinaca kale gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee urur-siyaasadeedka Midnim, Dr.Saadiq Eenow, oo isna maanta warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay mucaaradka iyo xukuumaddu in ay wada hadlaan.

Wuxuuna caddeeyey mowqifka uu ururkoodu ka taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee xiligan Puntland ka aloosan, isagoo xusay in ay dhex dhexaad ka yihiin "Anagu waxan kamid nahay bulshada, waxanna qabnaa in khilaafka wada hadal lagu dhameeyo, dowladuna ay gogosha fidiso, mucaaradkuna ay miiska soo fariistaan" Dr Saadiq ayaa yiri.

Hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha ururka UGUB oo ahaa urur-siyaasadeedkii labaad ee Puntland looga dhawaaqay, wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay shalay guddiga doorashooyinku shaaciyeen ururada ku guuleystey shuruudaha diiwaan gelinta oo ay tiradoodu 6 tahay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Oline
[email protected]
Puntland, Soomaaliya