4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Madaxtooyada Kula Kulmay Garsoorayaal uu kala hadlay cadaaladda iyo sharciga (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah kula qaatay villa Somalia 60-garsorayaal oo ka kala socday maxkamadda sare, maxkamadda dhexe iyo maxkamadda gobolka Banaadir. Kulankaas oo looga hadlay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa garsoorka oo qayb ka ah lixda tiir siyaasadeed ee dowladdu ay ku shaqeynayso.

Garsoorayaasha ayuu kula dardaarmay inay cadaalad xukunnada u ridaan isagoo uga digay inay dhibaateeyaan shacabka maxkamadaha u imaanay in ay la kulmaan garsoor cadaalad ah.

“Haddii uu shacabku ku qanacsan yahay sida aad wax u xukuntaan oo ay u arkaan inay cadaalad jirto, shacabku wuu idin xushmeynayaa,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo intaas ku daray: “Hal xukun oo dhaco iyadoo aan laga fiirsan ayaa annaga oo dhan na saameynaya. Adduunku wuu na eegayaa waxayna eegayaan inaan nahay ummad cadaalad ku dhisan iyo in kale. Waxaan idin kula dardaarmayaa inaadan xukunka ku deg-degina ee mar walba sharciga ha kuu noqdo garab.”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu garsoorayaasha u sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo sharciga, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in laga wadatashado wixii sax ah iyo wixii u baahan in dib loo hagaajiyo.

“Ma sahlana howsha na-hortaalla mana haysanno dhaqaale nagu filan, balse waa inaad sharciga dhowrtaan. Shacabkeenna waa inay dareemaan inay haystaan cadaalad iyo garsoor ay aamini karaan. Garsoorka waa inuu noo noqdo hormuud si aan ugu soo kabsano dhibkii nagu dhacay, amnigana dib u soo noqdo. Intaas ayaa muhiim ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: ”Sidii aan horay idin kugu sheegay in la xushmeeyo cadaaladda waxay ka billaabataa madaxda. Aniga marnaba faraha lama geli doono maxkamadda iyo go’aannada ay gaarto.”

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa kusoo afjaray: “Amniga waa muhiimadda koowaad ee dowladda, laakiinse haddii aysan cadaalad jirin amniguna ma jirayo. Amniga iyo cadaaladdu way wada-socdaan. Dadkeena inay dareemaan nabad, waa inay arkaan in sharcigu iyo cadaaladdu ay si sax ah u shaqeyeyaan.”


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya