4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Dab geystay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xalay ka kacay Xerada Qoxootiga Xagar-dheer ee Dhadhaab


Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) — Dab geystay khasaare maaliyadeed oo xoog leh ayaa xalay ka kacay xerada Xagar-dheer oo ka mid ah xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kaasoo billowday xalay fiidkii socday illaa gellinkii dambe.

Goobjoogayaal ku sugan xeradaas ayaa sheegay in goobo fara badan oo ay ka mid yihiin: dukaamo, hoteello iyo farmashiyeyaal ay dabkaas ku bas-beeleen, iyadoo intii uu dabku socday uu dhacay qarax weyn oo aan la ogeyn wuxuu ahaa.

“Dabka waa la hakiyay waxaana gacan ka geystay dadweynaha ku jira xerada iyo hay’adda UNHCR oo booyado biyo ah u soo dirtay goobta uu dabku ka kacay,” ayuu yiri Tawane Cali Dacar oo ka mid ah dadka ku nool xeradaas.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in dabkaas uu ku dhintay hal qof oo ku dhaawacmay dabka, halka 10-qof oo kale oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn oo ku dhaawacmay dabka lagu daweynayo goobo caafimaad oo ku yaalla Dhadhaab.

“Khasaaraha dabka intan wuu ka badan lahaa, balse waxaa gacan weyn ka geystay oo hakiyay gaari cagaf-cagaf ah oo dabka kala jaray, taasoo keentay in dabku uu ku fidi waayo goobo kale,” ayuu yiri goobjooge kale oo u sugan xerada Xagar-dheer.

Qoysaskii deggenaa agagaarka halka uu dabku ka kacay ayaa xalay laga kexeeyay halkaas, iyadoo la dajiyay goobo ammaan ah, waxaana xalay oo dhan la arkayay dad caruur wata oo ka cararaya hareeraha goobtaas.

Inkastoo dabkii la damiyay ayaa hadana waxaa goobihii uu ka kacay weli ka jira qiiq ka haray dabka, iyadoo aan la ogeyn inta ay le’eg tahay khasaaraha maaliyadeed ee dabkaas uu sababay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab khasaare geystay uu ka kaco xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo hoy u ah in ka badan Nus malyuun qof oo Qoxootig Soomaaliyeed ah, kuwaasoo qaarkood ay halkaas ku sugnaayeen tan iyo sannadkii 1991-kii markaasoo ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya