4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Mudaaharaadayaal Gadoodsan oo Weeraray Gurigii uu Boorame ka Deggenaa ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Awdal

Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Mudaharadayaal careysan ayaa cagta mariyay habeenkii xalay ahaa guriga uu degmada Boorame ka deggenaa guddoomiye ku xigeenkii gobolka Awdal, Cabdinuur Sugaal iyo guri uu deggenaa aabbihii oo labaduba ku yaalla hal xaafad.

Guryahan ayay mudaaharadayaashu la beegsadeen dhagax waawayn, iyagoo sida roobka uga dhigay labadan guri, waxaana la burburiyay albaabadii gurigaas taallay iyo daaqadahihii.

Ku-simaha badhasaabka oo ay saaka waabarigii HOL wax ka weydiisay falkkan khasaaraha geystay iyo waxa sababay in la beegsado gurigiisa ayaa waxa uu yidhi: "Weligeed ayay dhici jirtay in mas’uuliyiinta guryahooda ay dad gadoodsan beegsadaan, guryuhuna dhulka ayay taabteen, waana ka xumahay in sidan ay wax u dhacaan."

Warar hoose ayaa sheegaya in sababta loo beegsaday guriga ku simaha guddoomiyaha gobolka Awdal ay la xiriirto inuusan kasoo jeedin gobolka, iyadoo aysan jirin wax jawaab ah oo arrintan ay ka bixisay xukuumadda Somaliland.

Dhanka kale, weli waxaa xiran agaasimihii RAYO-TV iyo Cabdifataax Cilmi Muxumed, iyadoo xalaadda magaaladu ay taha mid deggen waxaase suuro-gal ah in wax badan ay ka dhaqaaqaan dhinaca dowladda, kuwaasoo noqon kara shirar, nabadgalyo, jaraa’ido, IWM oo ay ku sugayaan amniga iyo xasiloonida degmada Boorame.

Magaalada Boorame ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii ay ka dhaceen dibadbaxyadii looga soo horjeeday doorashooyinkii golaha deegaanka sida ay u dhaceen, inkastoo mar dambe lagu guuleystay in arrintaas la xalliyo.

Khadro Xasan, Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland