4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo Xayiraadii ka Qaadday dad doonayay inay ku laabtaan Somalia (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa ku guuleystay inay fasaxdo dad doonayay inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya, kuwaasoo xayirnaa muddo ka badan seddex bilood kaddib markii waaxda socdaalka ee dalka Koonfur Afrika joojisay safarkooda.

Dadkan oo tiradooda gaaraysay boqolaal ayaa doonayay inay ehelelladooda oo ku nool Soomaaliya ay soo booqdaan, balse waa hakiyay safarradooda balse waxaa u suurogashay inay safiirka cusub la kulmaan kala hadlan arrinta haysata.

Kulankaas kaddib ayay safiirka Soomaalida ee Koonfur Afrika, Sayid Xsan Shariif Cabdullaahi iyo dadka xayirnaa waxay si wadajir ah kulammo ula yeesheen waaxda socdaalka Koonfur Afrika iyagoo kala hadlay sidii looga qaadi lahaa xayiraadda dadka Soomaaliyeed ee doonaya  inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa wadda dadaallo ku aaddan in gabi ahaanba xayiradda laga qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka inay ku laabtaan doonaya,

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo safaaradda Soomaalida ay ku guuleysato; waxaana la filayaa maalmaha soo socda in boqolaal Soomaali ah ee ku xayiran magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali fara badan oo ganacsi ku haysta, waxaana dadkaas ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dilal iyo dhac ay u geystaan kooxo hubeysan.

Safaaradda ayaa laga sugayaa inay wax ka qabto dhibaatooyinkaas oo tan iyo markii ay Soomaalidu dalkaas tageen lagu hayay, iyadoo Soomaalida lagu dilo Koonfur Afrika lagu qiyaaso sannad walba inay boqol qof ku dhow yihiin.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya