4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi kana hadlay habka Federaalka


Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo saddex maalmood ah ku tagay dalka Kenya, kaddib hal toddobaad oo uu booqasho ku joogay dalka Itoobiya, iyadoo lagu wado inuu la kulmo madaxda dalkaas.

Prof. Jawaari ayaa uga hadlay wareysi uu siiyay BBC-da habka federaalka dalka iyo mushaaraadka xildhibaannada, isagoo sheegay inay ka go’an tahay dowladda inay federaalka gaarsiiso dalka oo dhan.

“Laba gobol iyo wixii ka badan waxay noqonayaan unug ka mid ah habka federaalka dalka, waxaana socda howshii lagu gaarsiin lahaa dalka oo dhan habka federaaliisimka ama maamul wadaagga ah,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay mushaaraadka xildhibaannada iyo shaqaalaha kale ee dowladda isagoo xusay in daqliga dowladda soo gala uu aad u yar yahay taasna ay sababayso inay dib u dhacyo ku yimaadaan mushaaraadka shaqaalaha iyo xildhibaannada, balse waa la siin doonaa.

Mar uu ka hadlay wixii baarlamaanka u qabsoomay, isagoo sheegay in intii uu jiray baarlamaanka uu mashquulsanaa sidii uu u dhisi lahaa guddiyadiisa iyo hay’adda fulinta ee dowladda, balse hadda wixii ka dambeeya ay ka shaqeyn doonaan horumarinta kale ee sharciyada dalka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in muuhimadda koowaad ay siin doonaan sugidda ammaanka, ayna rajo weyn ka qabaan inay dalka gaarsiiyaan heer ay shacabku soo doortaan xidhibaannada iyo madaxdii hoggaamin lahayd.

Prof. Jawaari ayaa toddobaadkan ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo kulammo la yeeshay madaxda dalkaas iyo sidoo kale Soomaalida ku nool Itoobiya, gaar ahaan Jigjiga iyo Addis Ababa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya