4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Maxkamadda Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda

Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saddex askari ku xukuntay dil iyo xabsi kaddib markii lagu helay inay geysteen falal dil ah, iyadoo mid ka mid ah askarta la xukumay uu dilay wiil yar oo dugsi qur’aan dhiganayay.

C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa sheegay in afar ka mid ah dadkii lasoo taagay maxkamadda lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay taas oo keentay in dib xorriyadooda loogu celiyo.

“Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay dil iyo xabsi ku xukuntay saddex ruux oo ka mid ahaa ciidammo loo haystay dacwooyin kala duwan, waxaana ka mid ahaa C/llaahi Cabdi Maxamed oo 29-jir ah oo ku dilay deegaanka Suuqa Xoolaha wiil yar oo toddoba sano jir ah, kaasoo lagu magacaabi jiray Faarax Cabdi Cumar, waxayna maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho,” ayuu yiri C/llaahi Keyse.

Sidoo kale, sarkaalkan wuxuu sheegay in maxkamaddu ay tacsiir ahaan ugu xukuntay xabsi laba sano ah C/llaahi Tifoow Maxamed oo 19-jir, kaasoo dil u geystay marxuum lagu magacaabi jiray, C/kaamil Maxamed Cali Xasan, taas oo ay ka heshiiyeen qoysaskii ay labada qof ka dhasheen.

Qofka saddexaad ee la xukumay ayaa isagu magaciisa la sheegin, balse waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii lagu helay dambigii lagu eedeeyay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunnada ay u cuskatay diinta Islaamka. xeerarka ciidamada iyo midka dalka, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo xukunno noocan oo kale ah ay riddo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Xukunkan ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo saddex askari oo ciidamada dowladda ka tirsan lagu fuliyay xukun dil ah, kuwaasoo lagu helay dambiyo dilal ah oo ay u geysteen shacab iyo askar ciidamada dowladda ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdihso, Soomaaliya