4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2013
Kulan looga hadlayay guurka khasabka ah ee Haweenka iyo waxa shareecadu ka qabto oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 21, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayAY waxa diinta Islaamku ay ka qabto gabdhaha sida khasabka ah lagu guursado ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kulankan ka qayb-galay culumaa'uddiin, waxgarad iyo ururada bulshada rayidka ah Soomaaliyeed.

Hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD oo kulankan soo qaban-qaabisay ayaa culumaa'uddiinkii ka qayb-galay ay ku jeex-jeexeen mas’aalooyin diini ah iyo tacadiyada haweenka loo geysto.

Sheekh C/qaadir Soomow oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay inay jiraan in gabdho si khasab ama xoog lagu guurasdo, taasoo uu xusay inay qayb ka tahay tacadiyada haweenka lagula kaco.

"Tacadiyada haweenka loo geysto waxaa ka mid ah guurka aanay raalliga ka ahayn, waxaa soo baxay dhacdooyin xanuun badan in gabdho Soomaaliyeed oo xoog lagu guursaday, iyadoo waalidkood aan laga doonan, waxaana taas u badan Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh C/qaadir Soomow.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in culumada Soomaaliyeed ay kasoo saaraan fatwooyin gabadha sida khasabka lagu guursado, si loogu sharraxo bulshada in cunugga ay dhasho gabadhaas uusan ahayn xalaal ah, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in bulshada door ku yeelato ka hortagga falalkaas.

Sheekh Muuse Cadde oo ka mid ah culummadii kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay in loo bayaaniyo dariiqada Suufiya oo dadka qaarkood fikrado qaldan ka aamisan yihiin, waxaase uu xusay inuu soo ogaaday in Ahlu-dariiqada ay gasho Imaam Abuu Xaniifa.

Wuxuu intaas ku daray inuu muxaaradarooyin uu kusoo qabtay dalalka ay ka mid yihiin: Talyaaniga, Jarmal iyo dalalka Scandanavian-ka uuna kula soo kulmay dad aaminsan Ahlu-dariiqada inay yihiin firqo baadiyeysan oo uu ugu dambeyn wacyi-geliyay, isla markaana wax ka bedelay fikirkii ay dadkaas ka qabeen Ahlu-dariiqada ama Suufiyada.

Sidoo kale, Sheekh Muuse ayaa sheegay in gabdhaha sida khasabka ah loo guursado aan laga takoorin bulshada inteeda kale, isagoo kulankaas kusoo bandhigay qisooyin horay u dhacay oo la mid ah kuwa ku dhacay gabdhaha Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo kulanka la hadlay Sheekh Axmed Shuqul oo xusay in Culumada ay yihiin indhaha bulshada, isla markaana loo baahan inay fatwooyaan kasoo saaraan dhacdooyinka dalka ka dhacaya.

Culim’aauddiinkii ka hadlay kulanka oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Suufi Yare iyo Sheekh Cumar Xerow ayaa iftiimiyay in gabadhaha sida khasabka ah caruurta looga dhalay ay habboon tahay in la xurmeeyo, lana karameeyo, waxayna tilmaameen in haddii la isku naxariisto uu Alle u naxariisanayo.

Ugu dambeyn culummadii kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay kasoo saari doonaan bayaan la xiriira sida gabdhaha sida khasabka ah lagu guursado ay bulshada ula noolaan lahaayeen, iyagoo aan la dareensiin faquuq iyo caruurta ay dhaleen ay noqdaan kuwo aan la takoorin, loona naxariisto.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya