4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Somaliland oo sheegtay in la qabtay Rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxdii dishay Sheekh Gacmey

Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inay qabteen laba nin oo lagu xidhiidhinayo dilkii loo geystay Sheikh Cabdiqaadir Gacamay oo dhowaan lagu dilay magaaladda Garowe ee Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye  waxa uu sheegay in somalilnad tahay meesha ugu badan ee lagu qabto argagixisaddda falalka ka geysta Soomaaliya.

“In alaale iyo intii argagixiso wax fulisay Somaliland-baa ugu badan oo qabatay  hal dhacdo oo Somaliland ah may qabsan”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin oo sheegay in rag argagixiso ah oo Soomaaliya dambi ka soo galay ay inta badan qabtaan.

Maxamed Kaahin waxa kale oo uu sheegay in ay qabteen rag looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay wadaadkiii lagu dilay Garowe oo lagu qabtay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool.

“Argagixisadu wax fulisa intooda ugu badan waxa lagu qabtaa Somaliland, kuwii ugu dambeeyay ee Sheekha dilka ugu gaystay Garoowe habeen saddexaadkii ayaa lagu qabtay Laascaanood, arimahaasina baraarugsanaanta shacabku qayb weyn ayay ka qaadatay” ayuu shalay meel fagaare ah ka sheegay gudoomiyuhu qabashada labadaas nin.

Dhinaca kale, Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Sool C/laahi Siciid Guuleed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeenn laba qof oo lala xidhiidhinayo inay ka dambeeyeen dilkii sheikh Cabdiqaadir Nuur Faarax ee Garoowe ka dhacay.

“Waxaanu qabanay laba nin oo Garoowe agteeda gaadhi ka soo kireystay, labada nin midkood waa kuwii falka gaystay, midna gacan ayuu siinayey”ayuu yidhi taliye ku xigeenka qaybta booliska ee gobolka Sool C/llaahi Siciid oo ka hadlayey labadan ee ay qabteen.


Taliyuhu waxa uu sheegay in labadan nin baadhitaan ku socdo, marka hawshaasi dhamaatana maxkamada la hor keeni doono, isago intaas ku daray in ciidanka gobolka heegan buuxda la galiyey.

Si kastaba ha ahaatee, ciidanka amniga ayaa heegan buuxda la galiyey, iyadoo habeenkii aad loo baadho gaadiidka, halka gaadiidka magaaladda soo galayana si feejin loo baadho.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland