4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya

Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta Muqdisho kula kulmay danjiraha Baritain u fadhiya Soomaaliya, Matt Baugh iyadoo labada mas’uul ay kawada hadleen arrimo ay ka mid yihiin, sidii dowladda Britain ay uga qayb-qaadan lahayd xoojinta ammaanka Soomaaliya iyo mashaariic lagu horumarinayo gobollada iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay kulankooda, isagoo sheegay in safiirka iyo isagu ay isla garteen sidii loo xoojin lahaa mashaariic ay Britain kawaddo gudaha dalka, sida jidka degmada Balcad oo ay dhisayaan, iyadoo danjiruhu uu ballanqaaday inay si dhaqso ah u billaabi doonaan mashaariicda kale.

“Britain waxay gacan ka siisay dowladda Soomaaliya dayactirka jidka isku xira degmoooyinka gobolka Shabeellada dhexe iyo Muqdisho,” ayuu wasiirka arrimaha gudaha ku sheegay hadal uu siiyay saxaafadda.

Danjiraha, Matt Bough oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu guul ku dhammaaday kulankii uu la yeeshay wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana ay isku afgateen in la xoojiyo xiriirka labada dal.

“Ingiriiska waxay gacan ka gaysan doontaa dib u dhiska kaabayaasha dalka. Sidoo kale billaabi doontaa mashaariic horumarineed oo dhowr ah oo Birtain ay ugu deeqday Soomaaliya,” ayuu yiri Bough.

Kulanka ayaa ah mid albaabbada u furaya mashaariic lagu horumarinyo deegaannada ay dowladdu ku sugan tahay, iyadoo deegaannadaas oo dhan laga hirgelin doono adeegyada bulshada ku nool deegaannadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya