4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Ciidamada Puntland oo Dhaqdhaqaaq kawada deegaano ka tirsan Buuraleyda Golis oo Galbeedka ka xiga Boosaaso


Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) —  Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada deegaanada buuraleyda ah ee galbeedka kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee aagga Sugurre oo maanta la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay howlgallo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab  ka wadaan deegaano hoos taga degmada Gal-gala.

Col. Jaamac Siciid Warsame ayaa sheegay in dowladda Puntland ay ka go'an tahay sidii ay usoo afjari lahayd xoogagga taabacsan xarakada Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis.

"Maya anagu dowlad baan nahay, dowladani Jamhad kama adkaan weydo...Haddii Al-shabaab gacan loo qaado inaan waxba laga reebin wadanka laga sifeeyo, qorsheheenu hadda intaas weeye" Col. Jaamac ayaa yiri.

Col. Jaamac ayaa dhinaca kale beeniyey in ay jiraan deegaano ay ciidamada Puntland dib uga soo gurteen, isagoo tilmaamay in xiliyada qaar ay ciidamadu xeelado dagaal hadba meel ugu guuraan.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey ahayd markii uu dagaal xoogani deegaanka Ceel-dibir ku dhex maray ciidamada Puntland iyo xoogaaga Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dagaalkaas ay labada dhinac guulo ka kala sheegteen, haseyeeshee waxaa magaalada Boosaaso warbaahinta loogu soo bandhigay meydadka 2 nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen dagaal yahanada Al-shabaab iyo 3 kale oo maxaabiis ahaan looso qabtay.

Buuraleyda Cal-madow oo koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa bilihii u danbeeyey ka dhacay dagaalo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab, kuwaasoo ay qaarkood khasaare badan dhaliyeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya