12/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2013
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo loo magacaabay Maanta Cabdiweli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (DAAWO SAWIRRO)


Khamiis, December 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor dhow ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed, kaasoo bedeli doona Saacid.

Xasan Sheekh ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay si aad ah ugu mashquulsanaa soo xulista ra’iisul wasaaraha cuusb, waxaana uu noqonayaa ra’iisul wasaarahan kii labaad oo uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii loo doortay sannadkii hore xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaan magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed oo aan aaminsanahay inuu yahay shaqsiga ugu habboon ee sii wadi kara shaqada dib u dhiska dalka iyo kasoo kabashada dhaqaalaha. Wuxuu leeyahay Waayo-aragnimo dhaqaalaha iyo horumarka ah isagoo soo hoggaamiyay hay’ado caalami ah,” ayuu madaxweynuhu ka yiri munaasabaddii magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Iyadoo ay jiraan caqabdo fara badan haddana waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Cabdiweli muddo gaaban ku sameyn doono isbedel dhan walba ah. Waxaan Baarlamaanka Somalia ka codsanayaa inay kalsoonida siiyaan iyadoo la eegayo danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo uu sheegay inuu qabtay intii uu xafiiska joogay shaqo wanaagsan.

"Maanta waa inaan labo-jibbaarnaa dib u dhiska hay’adaha dowliga ah oo aan isbedello la taaban karo si dhaqso leh u sameynaa, isla markaana aan dhaqan-gelinno federaalka iyo sidii doorashooyin lagu gaari lahaa 2016-ka,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh oo isaguna hadal aad u koobnaa ka yiri xafladda magacaabiddiisa ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka maanta loo magacaabay, uuna ka shaqeyn doono horumarka Soomaaliya.

Markaan si kooban u milicsanno taariikhdii waxbarasho iyo tii shaoo ee ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaliya, Cabdiweli Sheekh wuxuu ka baxay machadkii beeraha iyo kulliyadii dhaqaalaha ee Jaamacadda Gahayr, isagoo qaatay shahaadada koowaad, makaasoo ay u magacowday xukuumaddii hore ee Somalia agaasimaha guud ee wakaalladii horumarinta xoolaha.

Markii uu dalku burburka galay wuxuu u wareegay dhinaca hay’adaha sama-falka isagoo kasoo shaqeeyay mashruucii Red Sea ee tababarka daweynta xoolaha oo ay kawada shaqeyn jireen ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi. Xilliyadii ugu dambeeyayna wuxuu ka shaqeynayay Bankiga Islaamka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cabdi Faarax iyo xukuumaddii uu hoggaaminayay oo hal sano shaqeynaysay ayaa 02-dii bishan December waxay xildhibaannada baarlamaanku si aqlabiyad ah ugu diideen kaslooni ay kusii shaqeyso.

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya, waxaa ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia uu hor-tegi doonaa baarlamaanka Soomaaliya si kalsoonida loogu qaado, waxaana markaas kaddib uu soo dhisi doono xukuumaddiisa.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya