4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Dhaawaac ka dhashay diyaarad siday wafdi ka kooban dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca


Axad, August 25, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhaawacay diyaarad saaka ka qaaday wafdi ka tirsan saraakiisha milateriga dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan ururka Ahlusunna Waljamaaca oo si khaldan ugu dagtay garoonka diyaaradaha ee degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud.

Wafdigan oo uu ku jiray abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa u aaday gobolka Galguduud fulinta heshiisyo ay horay u galeen dowladda iyo ururka Ahlusunna Waljamaaca.

“Xubnaha wafdiga oo ka koobnaa taliyeyaal ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna waljamaaca oo ay ku jiraan guddoomiyihii hore ee gobolka iyo kan cusub ayaa waxay gaarnay degmada Guriceel,” ayuu yiri abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, C/risaaq Khaliif oo ka gaabsaday inuu ka hadlo shilka diyaaradeed.

Diyaaradda ayaa la sheegay in duuliyihii waday uu si khalad ah uga dajiyay garoonka, taasna ay keentay inay jidka ka baxdo uuna ku dhaawacmo hal qof, balse mas'uuliyiintii kale ee wafdiga aysan wax khasaare ah gaarin.

Mas’uuliyiinta wafdiga ayaa intooda kale bad-qaba wax dhibaato ahna aysan soo gaarin, iyagoo si nabad ah diyaaradda uga dagay, waxaana abaaduuluhu uu sheegay inay u tageen gobolkaas fulinta heshiisyadaas.

“Waxaan la kulmaynaa qaybaha bulshada iyo mas’uuliyiinta kale ee ahlusunna, waxaana hirgelinaynaa heshiisyadii horay loo gaaray oo ay ka mid yihiin mideynta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna,” ayuu abaanduuluhu hadalkiisa ku daray.

Dowladd Soomaailya iyo Ahlusunna ayaa waxay horraantii sannadkan kala saxiixdeen heshiis dhowr qodob ka kooban, kaasoo dhawaan ay xubnaha ugu sarreeya Ahlusunna sheegeen in haddii la fulin waayo ay qaadacayaan.

Ururka Ahlusunna ayaa wuxuu ka mid yahay ururrada ka jira bartamaha dalka Soomaaliya oo xiriirka wanaagsan la lahaa tan iyo markii la dhisay dowladihii dalka soo maray.

Geesta kale, guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo bishii hore xilkan loo magacaabay ayaa sheegay inuu isbedel weyn ka sameyn doono gobolka, uuna isku xiri doono dowladda iyo maamulka halkaas ka taliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya