4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2013
Qurba-joogta Ragga ah ee Dalka ku soo noqonaya oo is-bedel ku sameeyay habka Aroosyada Magaalada Muqdisho


Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Raga Soomaaliyeed ee qurba ka yimid ayaa lacag badan ku kharash garaynaya meherka iyo kharashaadka kale ee arooska iyaga oo ka faaiidaysanaya xaaladda amaanka ee Muqidsho si ay u guursadaan.

Raggan guur doonka ah ayaa kumanaan doolar ku kharsh garaynaya si ay u guursadaan. Qaarkood ayaa kumanaan doolar ku bixinaya xafladaha arooska ee ka dhacaya hoteelada dhawaanta la dhisay ee maalinta iyo habeenkaba furan.

Faysal Cumar, oo 35-jir ah ayaa 15 sano ku noolaa Ingiriiska isaga oo taksiile ah, laakiinse Muqdisho ayuu ku soo noqday July, wuxuuna guurkiisa oo dhacay 5-tii August ku kharsh gareeyay $20,000 oo doolar.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan wadankayga oo nabad ah ku guursado, iyada oo aan loo fiirinaynin lacagta iga baxday," ayuu yiri. "Habeenkii aan guursanayay, waxaan dareemay in xafladu ay ka dhacayso London sababta oo ah gabi ahaanba aad ayaan ugu faraxsanaa hoteelka uu ka dhacay iyo sida ay martisharaftii uga qayb qaadatay guurkayga farxada lahaa."

"Galab walba, ilaa todobaadkii guurka, xaasayga iyo aniguba waxaan aadnaa Xeebta Liido si ayaa ugu raaxaysano wada joogeenna," ayuu yiri Cumar. "Ma rumayn karo in Muqdisho ay noqotay meel loo soo dalxiiso."

Farxaan Cabdi oo ah 29-jir wuxuu uu ku noolaa London mudo 13 sano ah isaga oo kalkaaliye caafimaad ka ahaa Isbitaalka Royal London. Bishan ayuu ku soo noqday Muqdisho.

"Waxaan qorshaynayaa in xaflada guurkaygu ka dhaco hoolka wayn ee Hoteelka Safaari ee Muqdisho," ayuu sheegay. "Waxaan qorshaynayaa in ay yimaadan 300 oo marti sharaf si aan aniga iyo saaxiibaday ilaa habeenkii oo dhan u damaashaadno."

"Waan dareensanahay in qarashka bixi kara ay aad u badan tahay oo $6,000 oo dollar ayaa iga baxayso xaflada kali ee habeenkaas, laakin lacagta waxa ka muhiimsan gabadha an aroosayo in aan ilaaliyo farxaddeeda," ayuu yidhi.

Cabdi ayaa sheegay in kharashka guud uu gaadhi doono ilaa $16,000. "Lacag intaas ka badan haddii an awoodo waan ku bixin laha arooskeyga oo tani waxay aheyd farxad an sugayay mudda badan, waxana alle ka baryaya in guurkan uu ii barakeyo," ayuu yiri.

Ragga qurba joogta ah oo badalay habka la isku guursado

Ragga dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ee qurabaha ku noolaa ayay u sahlan tahay in ay gabdh ay guursadaan helaan markii loo fiiriyo kuwa aan iyagu Soomaaliya ka tagin. Qurba joogta ayaa loo arkaa in ay hodan yihiin sidaas darteedna ay si dhakhso ah gabdh ku heli karaan kuwaan oo qoysaskoodu kor u qaadi karaan qaddarka meherka.

Tan ayaa dhalisay tartan aad u wayn oo ka dhaxeeya raga guur-doonka ah ee Muqdisho, ayuu sheegay Liibaan Farax oo 27-jir ah oo ka shaqeeya dukaan qalabka korantada lagu iibiyo oo ku yaal Suuqa Bakaaaraha, isaga oo intaas ku daray in qurba joogta lacagta badan ee ay ku kharsh garaynayaan aroosyada ay ka xanaajisay ragii halkan sii joogay.

"Dhallinyarada qurbaha ka yimid arooskooda aad ayuu saameeyn xooggan noogu yeeshay oo marka haweenka ay maqlaan gabar ayaa lagu aroosay $20,000, gabar walba waxa ay ku leedahay qurba joog ayan rabaa," ayuu yiri. "Waxaan ku khasbanaanay in aan gabdhaha u sheegno in aan dibada ka nimid in kasta oo anaan waligeen dalka ka bixin."

Waa wax la fahmi karo in haweenka guur-doonka ah ay raadiyaan rag lacag leh si ay waxa ay doonayso u hesho biil fiicanna u hesho, ayay tiri Canab Yaasiin oo 25-jir ah, dagenna degmada Xamar Wayne oo maamulka iyo ganacsigana ka baratay Jaamacada SIMAD.

Ragga guur-doonka ah ee Soomaaliyeed ee dibadda ka imaanaya ayaa loo arkaa in ay yihiin rag munaasib ah oo nolasha lala qaybsan karo sababta oo ah sida ay uga dhab tahay guurka iyo awooddooda dhinaca lacagta, ayay tidhi. Dhanka kalese, marka aad eegto qaabka ay ragga maxalliga ah ee guur-doonka ahi ay wax ku doonayaan ayaa waxad arkaysaa in uu nuxurku ka maqan yahay.

"Waxan kala jeedaa nin walba oo Muqdisho ku nool waxa uu doonayaa in gabadha uu rabo kaftan iyo sheeko uu ku helo," ayay tiri.

Canab waxa ayaa rumaysan in haweenka guurkooda ku xira meherka culus uu yaraanayo furriinkooda.

"Wax cusub ma ahan in dumarka xoola badan laga baxsho," ayay tidhi, iyada oo intaas ku dartay in shardiga guur ee ku saleeysan lacagta badan uu ragga ku dhiirri-galiyo in ay xaliyaan khilaafyada gadaal ka iman kara.

"Waa waxa haweenay kasta ay xaqa u leedahay inay doorato," ayay tiri. "Waa Al-xamdulillahi haddii laga reystay raga aanan waxba haysan ee dumarka sida fudud ku hela ka bacdina sida fudud ku fura."

Xigasho, Sabahi Online