3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2013
Dowladda Sweden oo Malaayiin Doollar ku bixineysa Soomaaliya 2013—2017


Jimco, August 23, 2013(HOL)—Danjire Per Lindgärde oo Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Afrika  ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowladda Sweden ay sanadkii siineyso Soomaaliya lacag dhan 300 milyan oo lacagta Sweden ah (46 Milyan Doollar) illaa sanadka 2017.

Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay shirka Lund oo ah shir sanadle ah oo sanad walba looga hadlo arrimaha dalalka Geeska Afrika, wuxuuna intaas ku daray in dhaqaalahaas uu yahay mid ay Sweden uga qeybqaadaneyso horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo uu dalka Soomaaliya ka baxay marxaladdii KMG ahayd.

Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto ayuu sheegay Danjire Per Lindgärde in loo baahan yahay in dib loo eego dastuurka si looga gudbo khilaafaadyada ka dhalan kara kheyraadka dalka, sidoo kalena loogu diyaargaroobo doorasho waddanka ka dhacda sanadka 2016.

Arrin kale oo muhiim ahayd ayuu ka dhawaajiyay Danjire Per Lindgärde, taasi oo ahayd in dowladda Sweden ay safiir u magacawday Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992, wuxuuna safiirkaas magaciisa noogu sheegay Mr. Mikael Lindvall.
 
Furitaanka shirka kaddib ayaa waxaa HOL in ay Danjire Per Lindgärde weydiiso sida ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi karto,  isla markaana ay uga bixi karto dhibaatada muddada dheer ka jirtay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay imaan karto marka la helo dowlad-wanaag, isla markaana la xoojiyo hay’adaha nabadgelyada iyo cadaaladda iyo in dastuurka dib loo eego, loona diyaargaroobo in sanadka 2016 ay doorasho ka dhacdo Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray Danjire Per Lindgärde in tan iyo markii la soo dhisay Dowladda Soomaaliya ay ka soo wareegatay sanad illaa iyo haddana aan la qaban waxyaabo badan oo la sugayay, taasina ay mustaqbalka keeni karto in aanu dalka gaarin doorasho xilliga loogu talagalay.

Hadalka Danjire Per Lindgärde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 16-ka bisha soo socta ee September uu magaalada Brussels ee dalka Belgium uu ka furmi doono shir looga hadlayo horumarinta dalka Soomaaliya, kaasi oo la rajeynayo in ay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.


Axmed Gure, Hiiraan Online
[email protected]
Lund, Sweden


 













Click here
8/23/2013 10:58 AM EST
Jimco, August 23, 2013(HOL)—Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo maanta khudbad ka jeediyay Shirka sanadlaha ah ee Lund, kaasi oo sanad kasta loo qabto dalalka Geeska Afrika ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan gobolka, si gaar ahna wuxuu uga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorka ay dalalka la deriska ah ku leeyihiin xal loo helo mushkiladda Soomaaliya.

8/23/2013 9:38 AM EST
Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya ergooyin ka kala socda dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland ayaa ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo dhowr jeer uu ku sigtay inuu burburo.

8/23/2013 8:09 AM EST
Jimco, August 23, 2013(HOL)—Waxaa saaka ka furmay magaalada Lund ee dalka Sweden shirkii sanadlaha ahaa ee Dalalka Geeska Afrika, waxaana ka soo qeybgalay shirka dad badan oo ka yimid meelo kala duwan oo caalamka.

8/23/2013 3:06 AM EST
Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa ka digay weerarro Al-shabaab iyo kooxaha xiriirka la lehi ay ka geystaan magaalada Mombassa oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Kenya, iyadoo dadka ku nool 70% ay yihiin muslimiin.

8/23/2013 2:36 AM EST
Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarro is-xigay oo ay Al-shabaab kusoo qaaday saldhig ay ku leeyihiin magaalada dekedda leh ee Kismaayo.