4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Kulan dhaqameed muddo labo casho ah ka socday Magaalada Baladweyne oo Maanta la soo Gaba-gabeeyay (SAWIRRO)


Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Baladweyne loogu soo gabagabeeyay {Shirweynihii wadatashiga dhaqanka beesha Xawaadle ee Samadoon} oo maalintii Talaada aynu soo dhaafnay si rasmi ah uga furmay magaalada Baladweyne.

Shirweynaha oo uu horay ugu baaqay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa waxaa ka soo qeyb-gallay xildhibaanno, siyaaasiyiin, odayaal dhaqameed, waxgarad, dhalinyarro, haween iyo qeybaha bulshada ay ka kooban tahay beesha uu shirku u soo dhamaaday kaasoo mudadii uu socday siweyn loogu lafa-guray qodobo dhowr ah oo dhamaantood ku saleysan arrimaha dhaqanka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo gabagabadii kulanka ka hadllay ayaa sheegay uu siweyn u soo dhaweeynayo shirka madaama ayuu yiri uu ahaa shir dhaqan ku saleysan, waxaana uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka in ay si rasmi ah u dhaqan -galiyaan qodobada ka soo baxay.

“Annaga ka maamul ahaan siweyn ayaan u Ayidsannahay qodobada ka soo baxay shirka, bulshada qeybaheeda kalana waxaa ka codsaneynaa in ay dhaqan-galliyaan, maxaa yeellay minco badan malaha inta shir la qabto haddana la fulin waayo go'aamada lagu gaaro.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo horay ugu baaqay shirkan maanta ku soo dhamaaday magaalada Baladweyne, ayaa sheegay labadii cisho ee la soo dhaafay siweyn loogu eegay qodobo dhowr ah oo aan dhaafsiineyn sida uu hadalka u dhigay dhaqan iyo sida bulshada loogu walaaleyn lahaa, isaga oo sheegay in ay jiri doonaan shirar kale oo ay isku arki doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada  kuwa nool gobolka Hiiraan.

“Howlo badan ayaan la qabtay mudadii uu shirku socday, wax badanna ayaa leysku afgartay oo hishiis lagu wada yahay, waxaana ka dalbanayaan bulshada ku dhaqan gobolka, gaar ahaan beesha uu shirkan quseeyo in ay dhaqan-galliyaan go'aamada lagu gaaray kulanka,'' ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Qodobbada iyo go'aamada ka soo baxay shirka ayaa dhamaantood marka nuxur ahaan la eego ku saleysnaa nabadeynta, Hormarinta adeegyada bulshada, Daris-wanaaga, Xoojinta dhaqanka, Badabaada dadka ku safra wadada dheer ee isku xirta gobolka iyo deegaannada kale ee dalka, cilmi-baaris ku saleysan dhibaatooyinka ka dhax jira beesha, taageerada hay'adda kheyriga ah ee Ugaas Khaliif ee ka shaqeysa xanaaneynta agoonta, Ka hortaga xaalufinta deegaannka sida jarista dhirta, Joojinta xerashada dhul-daaqsimeedka, dib-u-dhiska goobaha danta-guud sida jidadka iyo garoonka diyaaradaha, iyo qodobo kale oo dhamaantood marka la eego muhiim ay siweynna loosoo dhaweeyay iyo qodobo kale oo dheeraad ah oo dhamaantood marka la eego wax ku ool u ah dhaqanka, nabada, hormarinta adeegyada bulshada iyo ilaalinta deegaannka.

Fulinta go'aamada lagu gaaray shirka labada cisho ka socday magaalada Baladweyn ayaa la sheegay in looga fadhiyo nabadoonada, samadoonada, culima'udiinka, guddiyada Jaaliyadaha ku dhaqan dalka dibadiisa ee ka soo jeeda beesha.

Marka laga soo tago qeybaha bulshada ka soo jeeda beesha uu shirku u soo dhamaaday, sidoo kale waxaa jiray waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeday beellaha oo lagu marti-qaaday gabagabada shirka kuwaasoo sheegay in ay siweyn ula dhacsan yihiin kulanka, iyaga oo sheegay in uu noqonayo kulankan kii ugu horeeyay ee noociisan ah, iyaga oo ku tilmaamay in uu yahay shir ama kulan ku dayasho mudan.

Kulanka ayaa labadii cisho ee uu socday waxaa madasha uu ka dhacay ee dulleedka magaalada Baladweyne siweyn ammaanka sugayay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya kuwa midowgga Africa AMISOM.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya