3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Carwada Buugaagta Caalamiga ah oo Bartamaha Magaalada Hargeysa laga furay iyo Aqoon-yahanno lagu Marti-qaaday (SAWIRRO)


Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Carwo buugaag caalamiga ah ayaa maanta si rasmi ah looga furay bartamaha magaalada Hargeysa, iyadoo furitaanka lagu casuumay aqoon-yahanno iyo qorayaal ka kala yimid daafaha dunida.

Carwadda buugaagta ee caalamiga ah ee Hargeysa International Book Fair oo sanad walba lagu qabtay wakhtiga xagaaga magaaladda Hargeysa, ayaa lagu soo bandhigay buugaag caalami ah oo soomaali iyo ajanabi qoreen iyo abwaanno iyo qoraa ajanabi ah ka yimid, waxa kale oo lagu soo bandhigi doona suugaanta, Riwaayado iyo waxyaalo badan oo kala duwan oo sadexda wakhti socon doonto, taas oo bilaabi doonta sideedda subaxnimo ilaa sagaalka iyo badhka habeenimo maalin kasta.

Bandhigan oo socon doono muddo lix cisho ah ayaa waxa diiradda lagu saari doonnaa horumarinta qoraalka, suugaanta iyo dhaqanka oo sanad walba lagu soo marti qaado dadka ugu horeeya dhinaca sugaanta iyo hal abuurka.

Bandhigan sanadkan ayaa waxa lagu casuumay aqoonyahano iyo abwaano ka kala yimid daafaha dunida iyo deegaanadda kala duwan ee Soomaalidu degto iyo kuwo Afrikaan ah oo u badan dalka Kenya, kuwaas oo carwadda buugaagta ku soo bandhigi doonna aqoontoodda iyo cilmi baadhis ay ku sameeyeen nolosha bani’aadamka.

Bandhigan oo sanad walba weedh hal ku dheg looga dhigo ayaa sanadkan ay hal ku dheeg u qaateen Socdaalka oo ay sheegeen in dhinacyo badan laga eegi doonno, isla markaana aqoonyahanadda iyo abwaanadda ka kala socda caalamka ay khudbado badan ka soo jeedin doonaan socdaalka iyo arrimo saamayn ku leh bulshadda Soomaalidda.

Sidoo kale waxa jira Abwaano ka socda dalka Ingiriiska oo luuqadda ingiriiska u turjumay gabayadii Abwaan Gaariye iyo Abwaan Hadraawi, waxa kale oo ay soo jeedin doonaan buugaagtooda iyo suugaanta ay wax ka qoreen.

Waxaa iyaguna bandhigan ka soo qaybgalay wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo siyaasiyiin reer Somaliland ah.

Guddoomiyaha qabanqaabadda bandhigan Dr:Jaamac Muuse Jaamac ayaa sheegay in abwaano iyo qoraa ka yimid dunidda gaar ahaan Afrika ay sanadkan ku cusub yihiin martidda ka soo qaybgashay, waxaanu sheegay inay doonayaan is dhexgal xaga dhaqanadd afrika in carwadda lagu soo bandhigo, waxaanu xusay qoraayo iyo Abwaano ka socda Kenya oo bandhigga lagu casuumay.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya u fadhiya ayaa isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay dawladda Ingiriiska wax badan ka qabato hourmairnta Somaliland, iyadoo kala qaybqaadatay tobabarka ciidamada booliska gaar ahaan xaga haweenka, sidoo kale waxa uu sheegay mashaariic badan oo ay Somaliland ka fuliyaan.

Safiirku waxa kale oo uu xusay inay muwaadiniin ingiriis ah oo caan ahi ka soo jeedaan Somaliland, isagoo xusay in Wariye caanka ah ee Raago Omaar iyo orodkayahanka Mo Farax oo u ordaya Dalka Ingiriiska, waxa kale oo uu xusay Nafiifo Maxamed oo uu sheegay inay tahay haweenay da’yar oo qoraa caan ah oo buugaag badan qortay, waxaanu tilmaamay inay muwaadiniintaasi wax badan kusoo kordhiyeen dalka Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaatee, bandhigan oo sanad kasta la qabto ayaa waxa soo buux dhaafiya dhalinyarada oo mudadaasi uu socda ka faa’iidaysta,isla markaana buux dhaafiyo madasha uu ka socdo, taas oo keeta inay dadku ku soo kalahaan maalmaha socdo, kuwaas oo saaxibo iyo aqoon cusub kala kulmay carwadda, iyadoo loo sameeyey jadwalka saddex wakhti ee uu bilaabmayo, iyadoo galinka hore, ka dambe iyo habeenkii loo qaybiyey, isla markaana qofkasta wakhtiga uu haleelayo ka soo qaybgalayo.


Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
8/16/2013 2:23 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa maanta ka guddoomay warqadihii aqoonsiga danjirenimo, dajiraha cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

8/16/2013 1:12 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Ku dhawaad 50-qof ayaa ku dhintay 300 oo qof oo kalena way ku dhaawacmeen mudaaharaadyo rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, iyadoo sidoo la sheegay in dhimasho iyo dhaawacyo ay ka dhaceen magaalooyinka kale ee dalkaas.

8/16/2013 12:56 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaartiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa maanta oo Jimco ah - 16-August, 2013 - si rasmi ah u joojinaysa howshii caafimaad ee ay ka haysay Soomaaliya, kaddib markii ay maalmo ka hor ku dhawaaqday inay Soomaaliya uga baxayso sababo amni awgood.

8/16/2013 12:18 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya oo aaminsan in Kenya ay qayb ka tahay ismari-waaga ka taagan gobollada Jubbooyinka ayaa bilihii ugu dambeeyay dalbanaysay in ciidamada Kenya ee ku sugan gobolladaas ay ka baxaan dalka.

8/16/2013 9:38 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadayso howlaha samafalka ah ee ay ku caawinayso Soomaaliya, kaddib markii hay’adda MSF ay maanta joojisay dhammaan gargaarradii ay dalka Soomaaliya ka wadday, kaddib markii ay sheegtay in shaqaalaheeda si toos ah loo beegsado.

8/16/2013 9:26 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo lagu taageerayay madaxda dowlada Federalka Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay aheyd ka dhacay xarunta Lake View ee Magaaladda Minneapolis ee Minnesota, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku noolka Gobolkan Minnesota ee dalka Mareykanka.

8/16/2013 9:07 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay maanta gurigiisa ku weerareen Mayoow Teesoow oo horay u ahaa taliyihii nabadsugidda dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ee degmada Baydhabo, iyadoo lala qafaashay rag kale oo la joogay.

8/16/2013 8:56 AM EST
Jimco, August 16, 2013(HOL) :- Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa lala eegtay gaadiid nooca raaxada oo uu watay Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed oo kamid ah ugaaysada caanka ah ee gobolka J/hoose.

8/16/2013 4:02 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa shaacisay in 80,000 oo qoxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkeeda ay si iskood ah ugu laabteen Soomaaliya, iyadoo sheegtay inaan qoxootigaas si khasab ah looga bixin Kenya.

8/16/2013 3:59 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho oo howshiisu ay aad u korortay ayaa waxaa markii ugu horreysay uu yeeshay shabakad (Website) lagala socon karo duulimaadyada taga iyo kuwa ka baxa.