3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Hay’adda MSF oo si rasmi ah Maanta u Joojinayso howlihii gargaar ee ay ka wadday guud ahaan gobollada Soomaaliya


Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaartiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa maanta oo Jimco ah - 16-August, 2013 - si rasmi ah u joojinaysa howshii caafimaad ee ay ka haysay Soomaaliya, kaddib markii ay maalmo ka hor ku dhawaaqday inay Soomaaliya uga baxayso sababo amni awgood.

Madaxa  guud ee hay’adda MSF, Unni Karunakara oo suxufiyiinta kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in shaqaalahooda ay kala kulmeen gudaha Soomaaliya dhibaatooyin xooggan, taasna ay keentay inay gaaraan go’aanka ay kaga baxayaan.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay in MSF sii waddo howlaha ay ku caawinayso shacabka Soomaaliyeed; haddana mas’uulka ugu sarreeya hay’adda wuxuu sheegay in go’aankooda uu yahay mid aysan ka laabanayn aakiin ay furan tahay inay cid walba la fariistaan si ay uga wada hadlaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen Soomaaliya.

MSF ayaa ka howlgeli jirtay 11-gobol oo Soomaaliya ku yaalla oo uu ka mid yahay gobolka Banaadir oo ay ku lahayd xarumo caafimaad 12 degmo oo ka mid ah degmooyinka Muqdisho, halkaasoo kumaannaan qof oo Soomaali ah ay sannad walba ka heli jireen gargaar caafimaad oo lacag la’aan ah.

“Sababta ugu weyn ee keentay inaan Soomaaliya ka baxno waa markii aan aragnay in qof laba shaqaalaheenna ka mid ah ku dilay Soomaaliya bishii December ee sannadkii 2011 oo lagu xukumay 30-sano oo xabsi ah uu iska maro magaalada, taasoo nagu noqontay wax aan qaadan kari waynay,” ayuu Unni ku yiri shirkii jaraa’id ee uu Nairobi ku qabtay Arbacadii.

Mar la weydiiyay sababaha ay uga baxayaan Somaliland iyo Puntland oo ay ka jirto xasillooni ayuu sheegay in kuwa dhibaatooyinka ugu geysanaya qaar ka mid ah deegaannada Koonfurta Soomaaliya ay ku sugan yihiin goobahan, marka go’aankoodu uu yahay mid saameynaya Soomaaliya oo dhan.

Gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa maanta ay hay’addu isugu yeertay dhammaan shaqaalihii u shaqeynayay iyadoo ku wargelisay in wixii maanta ka dambeeya ay hay’addu joojisay.

Hay’adda MSF oo sannadkii 1971-kii lagu aasaasay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa loogu talogalay inay ka shaqeyso goobaha ay ka dhacaan dagaallada iyo musiibooyinka kale, iyadoo 22-kii sano ee Somalia ay ka howlgalaysay looga dilay 16 shaqaale ah oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/16/2013 2:23 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa maanta ka guddoomay warqadihii aqoonsiga danjirenimo, dajiraha cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

8/16/2013 1:45 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Carwo buugaag caalamiga ah ayaa maanta si rasmi ah looga furay bartamaha magaalada Hargeysa, iyadoo furitaanka lagu casuumay aqoon-yahanno iyo qorayaal ka kala yimid daafaha dunida.

8/16/2013 1:12 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Ku dhawaad 50-qof ayaa ku dhintay 300 oo qof oo kalena way ku dhaawacmeen mudaaharaadyo rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, iyadoo sidoo la sheegay in dhimasho iyo dhaawacyo ay ka dhaceen magaalooyinka kale ee dalkaas.

8/16/2013 12:18 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya oo aaminsan in Kenya ay qayb ka tahay ismari-waaga ka taagan gobollada Jubbooyinka ayaa bilihii ugu dambeeyay dalbanaysay in ciidamada Kenya ee ku sugan gobolladaas ay ka baxaan dalka.

8/16/2013 9:38 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadayso howlaha samafalka ah ee ay ku caawinayso Soomaaliya, kaddib markii hay’adda MSF ay maanta joojisay dhammaan gargaarradii ay dalka Soomaaliya ka wadday, kaddib markii ay sheegtay in shaqaalaheeda si toos ah loo beegsado.

8/16/2013 9:26 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo lagu taageerayay madaxda dowlada Federalka Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay aheyd ka dhacay xarunta Lake View ee Magaaladda Minneapolis ee Minnesota, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku noolka Gobolkan Minnesota ee dalka Mareykanka.

8/16/2013 9:07 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay maanta gurigiisa ku weerareen Mayoow Teesoow oo horay u ahaa taliyihii nabadsugidda dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ee degmada Baydhabo, iyadoo lala qafaashay rag kale oo la joogay.

8/16/2013 8:56 AM EST
Jimco, August 16, 2013(HOL) :- Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa lala eegtay gaadiid nooca raaxada oo uu watay Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed oo kamid ah ugaaysada caanka ah ee gobolka J/hoose.

8/16/2013 4:02 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa shaacisay in 80,000 oo qoxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkeeda ay si iskood ah ugu laabteen Soomaaliya, iyadoo sheegtay inaan qoxootigaas si khasab ah looga bixin Kenya.

8/16/2013 3:59 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho oo howshiisu ay aad u korortay ayaa waxaa markii ugu horreysay uu yeeshay shabakad (Website) lagala socon karo duulimaadyada taga iyo kuwa ka baxa.