4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Shabakad lagala Socon karo Duullimaadyada Imaanaya iyo kuwa ka baxaya Garoonka Muqdisho oo Hawada lasoo geliyay


Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho oo howshiisu ay aad u korortay ayaa waxaa markii ugu horreysay uu yeeshay shabakad (Website) lagala socon karo duulimaadyada taga iyo kuwa ka baxa.

Shabakadda ayaa waxaa la sheegay inay tahay mid u sahlaysa dadka doonaya inay Soomaaliya yimaadaan iyo kuwa ka baxaya inay kala socdeen sida ay duulimaadyada maalinlaha ah uga baxaan una yimaadaan.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay tallaabadan kuwaasoo u sheegay HOL inay markii hore kala socon jireen duulimaadyada shirakadaha diyaaradaha, balse ay hadda ka eeganayaan meel walba oo ay joogaan.

“Inta badan safarro ayaan dibadda ugu baxaan, runtiina tallaabadan lagu hir-geliyay shabakadda aad ayaan u soo dhaweynayaa, waxaad ka helaysaa dhammaan shirkadaha diyaaradahoodu yimaadaan garoonka xilliga uu ku beegan yahay duulimaadkooda iyo xilliga ay imaanayaan,” ayuu yiri Cumar Nuur oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

HALKAN RIIX SI AAD U ARAGTO SHABAKADDA

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa waxaa dhawaan lagu wareejiyay maamulkiisa shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, taasoo bedeli doonta shirkadda SKA Air & Logistic oo sannadihii ugu dambeeyay haysay maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Duulimaadyada yimaada gaaroonka diyaaradaha Muqdisho oo markii hore ahaa mid kuwo maxalli ah ayaa waxaa kusoo biiray hadda duulimaadyo caalami ah oo ay sameynayaan shirkadaha diyaaradaha Turkish Airlines iyo shirkadda Air Uganda.

Howlaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xilligan ah mid aad mashquul u ah oo ay yimaadaan diyaarado kala duwan oo kuwa ganacsiga ah, inkastoo uusan garoonku shaqeyn xilliyada habeenkii ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya