4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Mas'uuliyiinta Gobolka Togdheer oo shaaciyay inay buuxin doonaan kaalintii Isbitaalka Burco ee ay baneysay Hay’adda MSF

Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Bahda caafimaadka ee gobolka Togdheer ayaa ka hadlay go’aankii ka soo yeedhay hay’adda Dhakhaatiirta aduunka ee MSF oosheegtay inay gabi ahaanba joojisay shaqadii Caafimaad ee ay ka haysay Somaliland iyo Soomaaliya.

Isku-duwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Togdheer, Dr. Cabdi Yaasiin,  Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Xaaji Cabdilaahi Xamarje, Maayir ku xigeenka Burco iyo agaasimaha Cusbitaalk Burco Dr Cabdi Qaadir Muruqliqe, ayaa  sheegay in aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin hawlihii shaqo ee ay ka haysay hay’adaasi gobolka Togdheer iyo shaqadii caafimaad ee ay dadka ugu adeegaysay.

Masuuliyiintan ayaa sheegay inay Hay’adan MSF meel kaga dhacday amaanka buuxda ee ka jira gobolkan, isla markaana ay kala mid dhigtay amni darada ka jirta Soomaaliya taasina ay keentay inay joojiso hawlihii caafimaad ee ay ka haysay cisbitaalka Burco.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka, Nimco Qawdhan ayaa sheegtay inay wax badan hay’adaasi ka qabatay cisbitaalka Burco, isla markaana bilaash ahayd dawaynta dadka, haseyeeshee waxay sheegtay inay hay’adda ku qanciyeen in aanay hawlihii caafimaadka faraha ka qaadin, balse aanay wax jawaab ah ka helin.

“Hay’addu saddexdii sanadood ee ay Cisbitaalka Burco Gacanta ku haysay wax badanbay ka qabatay, waxay dib u dhis ku samaysay Cisbitaalka qaybihiisa, waxay dhistay Tiyaatarka cisbitaal , waxay xooga saartay adeegyada hooyada iyo Dhalaanka, dhamaana adeegyada caafimaad ee Cisbitaalku waxay ahaayeen bilaash oo iyadaa gacanta ku haysay, runtiina waxay ahayd wax lagu mahadiyo , meel wanaagsan oo laga sii amba qaadi karona way soo gaadhsiiyay, wixii ka dambeeyana waxaanu rajeynaynaa inaanu meel kale ka kabi doono”ayey tidhi wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Qawdhan oo ka hadlaysay hawlihii caafimaad ee ay cisbitaalka Burco ka waday.

“Isbitaalka Burco waa isbitaal aad u balaadhan oo Goboladda Bariga oo dhan muhiim u ah, waxaana bil kasta ku dhasha in ka badan 500 Dumar ah oo Sool iyo Gobolada kale ee bariga ayuu u ahaa Cisbitaal, markaa wasaarad ahaan waxaanu rejaynaynaa inaanu dhakhso u kabi doono”ayey raacisay hadalkeedda.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegtay in joojinta shaqada aanay ku eekeen Somaliland iyo Soomaaliya balse guud ahaan ay joojisay deegaanadda Soomaalidu degan yihiin ee Kenya iyo Jabuuti.

Si kastaba ha ahaatee waxa laga sugayaa in ay buuxiso wasaarada caafimaadka Somaliland kaalinta ay banaysay MSF ee ay ku haysay cusbitaalka guud ee Burco, waxaanay masuuliyiintan balanqaadeen in shaqadii ay ka haysay cisbitaalka si degdeg ah loo buuxin doono, isla markaana aanay saamayn ku yeelan doonin dadweynaha adeega kala duwan u soo doonta cisbitaalka Burco.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland