4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Xukuumadda Somalia oo ka codsatay Hay’adda MSF in aysan joojin hawlihii gargaar ee ay ka wadday Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo looga dooday qodobbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen go’aankii hay’adda MSF ay ku joojisay howlihii ay ka haysay Soomaaliya iyo eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo gabar Soomaaliyeed ay sheegtay in loogu geystay xerada Maslax ee duleedka Muqdisho.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayay wasiiraddu ugu horreynt ka dooday xaaladda amniga ee dalka, gaar ahaana caasimadda, waxaana goluhu ay warbixin ka dhegeysteen wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga, Cabdikariin Xuseen Guuleed, isagoo sheegay in toddobaadkii lasoo dhaafay xaaladda magaaladu ay ahayd mid deggen, isla markaana ciidamada amniga ay gacanta kusoo dhigeen 17 unug oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo amniga shacabka qal-qal ku hayay, wuxuuna xusay in hay’aduhu ay weli la tacaalayaan xaqiijinta iyo sugida amniga.

Wasiirrada ayaa sidoo kale ka dooday go’aanka hay’adda dhaqaatiirta aan xaduudda lahayn ee MSF, kaasoo ay ku sheegtay in 16-ka bishan August ay joojinayso dhamaamba adeegyadii ay ka fulin jirtay gobolada Soomaaliya.

Wasiirradda horumarinta iyo adeegga bulshada, Maryam Qaasim Axmed ayaa gaba-gabada shirka golaha waxay warbaahinta u sheegtay in golaha wasiirradu ay ka codsadeen hay’adda MSF in sii wado adeegyadii caafimaad ee ay ka fulineysay dalka, waxayna xustay in dowladdu ay walaac xooggan ka muujinayso go’aankaas oo khatar ku ah kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee taagta daran.

“Go’aanka hay’adda MSF aad baan uga xunnahay waxaana ka codsanaynaa inay ka noqdaan go’aankooda iyagoo eegaya dhibaatada ballaaran oo ka dhalan karta ka bixitaankooda Soomaaliya iyo joojinta gargaarka,” ayay tiri Maryam Qaasim oo intaas raacisay. “Go’aankan wuxuu saameynayaa gaar ah ku yeelanayaa caruurta iyo haweenka Soomaaliyeed ee ka faa’iideysan jiray howlaha caafimaad ee MSF.”

Maryam Qaasim ayaa xustay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad weyn siinayso illaalinta hay’adaha ka howlgala dalka ee ku howlan samafalka ay u sameynayaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna si gaar ah ugu ammaantay hay’adda MSF ay sheegtay inay u soo dhabar-adaygtay xaaladdii adkaa ee uu dalku soo maray muddadii 22-ka sano ahayd.

Dhanka kale, afhayeenka xukuumadda ayaa saxaafadda u faah-faahiyay eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo ay sheegtay gabar Soomaaliyeed inay u geysteen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, kuna sugan xerada Maslax ee duleedka Muqdisho, wuxuuna xusay in golaha wasiirradu ay ka doodeen arrintan loona saaray guddi soo baara dhacdadan foosha xun.

“Dawladda Soomaaliyeed marna uma dul qaadanayso falal ka dhanka ah xaquuqda aadanaha, gaar ahaana kufsiga iyo tacadiyada kale ee loo geysto dadka taagta daran, sharciga ayaana la tiigsan doonnaa cid kasta oo lug ku yeelata,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo hadal ka jeediyay kulankii maanta ay yeesheen golaha wasiirrada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya