4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Dowladda Somalia iyo AMISOM oo ka hadlay Haweeney Soomaaliyeed oo la sheegay inay kufsadeen Ciidamada AMISOM


Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay haweeney Soomaaliyeed oo la sheegay inay tiro ka tirsan ciidammo AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya kufsi ugu geysteen deegaanka Xalane ee magaalada Muqdisho.

AMISOM oo warsaxaafadeed arrintan kasoo saartay ayaa sheegtay inay ku sameynayso baaritaan, iyadoo dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay arrintaanna ay si caro leh uga hadashay, iyadoo sheegtay inaysan marnaba u dulqaadan doonin ku xadgudubka xuquuqda aadanaha oo ay ka mid tahay kufsiga.

“Xukuumadda Soomaaliya uma dulqaadanayso xadugudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kufsiga loo haweenka Soomaaliyeed oo ah kuwa u nugul dhibaatooyinka loo geysnayo, waxaana cid wala oo ku kacda ay la tiigsanaysaa sharciga,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku yiri war-saxaafadeed ay xukuumaddu soo saartay maanta oo Khamiis ah.

Kugsigan ayaa la sheegay inuu dhacay 08-dii bishan Ogoosto, waxaana lagu sheegay warsaxaafadeedka ay soo saartay dowladda Soomaaliya in mudane Saacid uu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ay madax u tahay wasiiradda adeegga bulshada, Maryan Qaasim kuwaasoo baaraya shilkan lana shaqeyn doona quburo ka tirsan AMISOM si looga hortago inuu falkan oo kale dib u soo laabto.

Haweeneydan ayaa la sheegay inay ahayd xaas, ayna markii hore qabteen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyagoo ku eedeeyay inay uga shakiyeen inay Al-shabaab ka tirsant ahay, markii la geeyay xerada Maslaxna la kufsaday, halkii xabsi laga geyn lahaa.

Dhanka kale, warsaxaafadeedka ay soo saareen AMISOM ayay ku sheegeen inay la socdaan eedeysta ku saabsan in ciidamadoodu ay kufsadeen qof dumar ah oo Soomaaliyeed, ayna baaritaan ku sameyn doonaan.

“Koox ka kooban AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa loo saaray inay ku sameeyaan baaritaan arrintan, jawaabtii kasoo baxdana waxaa loo shaacin doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayay AMISOM war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay.

Ugu dambeyn, AMSIOM waxay sheegtay in goobaha ay ka howlgalaan oo dhan ay ku sugan yihiin xubno loo tababaray inay kasoo warbixinyaan falalka noocan oo kale ah, iyagoo sheegay inay Soomaaliya u joogaan sidii ay u difaaci lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya