4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Danjiraha Mareykanka uu u soo magacaabay Soomaaliya oo si ramsi ah uga howshiisa uga billaabay Magaalada Muqdisho

Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Danjiraha cusub ee Mareykanka ay u soo magacowday Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa si rasmi ah howshiisa uga billaabay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu Soomaaliya ka caawin doono dhinaca ammanka iyo arrimaha bulshada.

Danjiraha ayaa lagu bedelay dajirihii hore ee Mareykanka uga wakiilka ahaa Soomaaliya James C. Swan, waxaana uu howshiisa billaabay 24-kii saac ee ugu dambeeyay, iyadoo dowladda Soomaaliya ay soo dhaweysay arrintan.

James P. McAnulty ayaa siyaasadda kusoo biiray sannadkii 1983-kii isagoo ka soo shaqeeyay dalal kasoo noqday safiir, kuwaasoo ku yaalla qaaradda Afrika, Laatiin Ameerika iyo Yurub; waxaana ka mid ah: Venezuela, Mexico iyo Belgium.

Mareykanka ahayd dowladdii ugu horreysay ee aqoonsata dowladda Somalia kaddib 22-sano, waxaana ay horay u ballanqaadday inay la shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya si dalka looga saaro colaadaha dabada-dheeraaday.

Tallaabadan ayaa waxay ka qayb ka noqonaysaa dadaalka ay dowlado badan oo caalamka ugu jiraan inay safaaradahooda dib uga furtaan xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dajirahan ayaa wuxuu ahaa qusulkii Marekanka u joogay magaalada Abuja ee dalka Nigeria, iyadoo lagu ammaanay howlo badan oo uu caalamka kasoo qabtay, waxaana uu haystaa abaalmarin caalami ah oo uu ku muteystay howl-karnimadiisa.

Safiirrada ka howlgala hadda Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah dajiraha UK ay u soo magacowday Soomaaliya iyo kuwo kale, kuwaasoo horay ugu shaqeyn jirtay xafiisyo KMG ah oo ay ku lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay tan iyo markii la dhisay oo laga joojo muddo hal sano ah inay soo celiso xiriirikii ay la lahayd caalamka, iyadoo ku guuleysatay inay soo celiso xiriirka dalal badan oo u badan kuwa reer galbeedka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya