4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Duqa Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland oo xadhiga ka jaray Jidad iyo sariibad cusub oo la dhisay (SAWIRRO)


Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO) ayaa xadhiga ka jaray Jidad iyo Sariibad cusub oo dib loo dhisay.

Munaasibadii loo sameeyey xadhig ka jarida sariibadan waxa ka soo qeybgalay Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO), Xoghayaha Fulinta dawlada Hoose Mawliid Weris Cabdilaahi, Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha Cabdisamad Cumar Maal,Agaasimaha horumarinta dawladaha hoose iyo degmooyinka Maxamed Cali, saraakiil ka kala socotey hay’adaha ILO iyo UN-HABITAT, Xildhibaano, iyo marti sharaf kale.

“Farxad-weyn ayey noo tahay inaan maanta la wareegno dhismaha sariibada Maxamuud-Heybe,waayo waxay masuuliyad gooni ahi nagga saaran tahay danyartu halka ay ku ganacsanayaan,  Markaa halkan wanaagsan oo kale qof waliba waxa uu ku hamiyayaa inuu wax ka iibsado, inaanu hooyadii fadhiday cad-ceeda ka kicino oo aan hadhkan fadhiisino waxaan leenahay waa wax ILAAHAY loogu mahad-naqaa”ayuu yidhi Maayarka magaaladda Hargeysa oo ka hadlayey sariibadaasi cusub ee loo sameeyey xaafadda Qudhac dheer ee magaaladda Hargeysa.

Cabdiraxmaan-SOLTECO mar uu ka hadlayey qaadka Sariibada iyo waxa looga baahan yahay dadka isticmaali doona, waxa uu yidhi“Sariibadan qurdhac-dheer waxay qaadaysa oo fadhiisanaya  200-qof,  48-miis oo si wanaagsan looga shaqeeyey ayaa hilibka la saarayaa, kana ilaaliya wixii wasakhaynaya, inta kale-na waxay noqonaysa caanihii, khudradii, iyo waxyaalihii kale ee adeeg ahaan loo baahnaa, iyaguna waxa ku jira musqulihii waxaana loo baahan-yahay in si haboon loo isticmaalo oo ha la ilaaliyo nadaafadooda oo xil ha la iska saaro”.

Maayar Cabdiraxmaan SOLTECO waxa uu u mahad-celiyey hay’adihii mashruucan GPLG-ga fuliyey ee dhaqaalaha bixiyey 83%-ka dhismaha sariibada qudhac-dheer. “Dawlad Hoose ahaan waxaan halkan idiinka sheegayaa mashaariicda aanu bixinayno waanu xayeysiinaynaa, sida biriijka Xaafada State-house-ka oo kale”.Ayuu yidhi 

Dhinaca kale, Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO), ayaa xadhigga ka jaray laba Jid oo laga hirgeliyey magaalada, laba kale oo midkood cusubtay dhagax-dhigay, kuwaasoo ay iska kaashadeen dadweynaha Xaafadaha waddooyinka laga sameeyey iyo dawladda hoose ee Caasimaddu.

Duqa Caasimadda oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Xildhibaanno, Xoghayaha Fulinta dawladda hoose, Ijinneerrada dawladda Hoose iyo Saraakiil ka socday Haya’daha ay wada-shaqaynta leeyihiin dawladda hoose, ayaa xadhigga ka jaray laba Jid oo laga hirgeliyey Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, isla markaana dhagax-dhigay laba Kilometer oo dhinaca Bari loogu kordhinayo Jidka Wadnaha ee badhtamaha magaalada mara oo laga bilaabayo Isgowska xarunta Suuqa ee Shirkadda Telesom horteeda iyo weliba waddo cusub oo laga bilaabayo Istaanka Jabuuti ee Waqooyiga magaalada Hargeysa.

Ugu horreyn waxa ay Maayer SOLTECO iyo Masuuliyiinta la socday xadhigga ka jareen Waddo dhererkeedu yahay 800 Mitir oo dherer ah iyo toddoba mitir oo ballaadh ah, taasoo laga hirgeliyey Degmada Maxamuud Haybe, taasoo Laamayda garoonka diyaaradaha tagta ee Xaafadda Masallaha ka bilaabanta illaa siddeed boqol oo Mitir-na u soconaysa dhinaca Bariga, isla markaana ay dhismeheeda iska kaashadeen dawladda hoose ee Hargeysa iyo Dadweynaha Xaafaddaas.

“Waxaanu maalmahan furaynay waddooyinkii iyo mashaariicdii ay dawladda hoose fulisay ee wax-qabadka saddexdii bilood ee ugu dambeeyey oo ay ka mid tahay waddadan oo dhererkeedu yahay Siddeed boqol oo Mitir oo aynu maanta halkan ku furayno iyo mashaariic kale oo innoo hadhsan, annaga oo mashaariicda wax-qabadka saddex biloodka dambana aannu bilaabayno.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.

Sidoo kale, Jid laamay ah oo ay ku baxday lacag lagu sheegay Boqol iyo Toddoba Kun (10,7000) oo Doollarka Maraykanka ah, oo ka bilaabma Saldhigga Booliska New Hargeysa, loona yaqaanno Jidka Beerta Sayidka, ayey Masuuliyiintu xadhigga ka jareen.

Maayerka Caasimadda iyo xubnaha la socday waxay dhagax-dhigeen laba Kiiloomitir oo qaab casri ah loo samaynayo oo dhinaca Bari loogu kordhinayo Jidka Wadnaha ee Badhtamaha magaalada Hargeysa mara, iyaga oo sheegay in labadaa Kiiloo-mitir laga bilaabayo Xarunta iibka ee badhtamaha Suuqa ay ku leedahay Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom, halkaas oo ay ku taagnayd Laamayda casriga ah ee la hirgeliyey bishii May ee sannadkan oo laga hor-bilaabay Wasaaradda Maaliyadda ee Xaafadda Shacabka.

Waxa kale oo ay Masuuliyiintu dhagax-dhigeen Jid Laamay ah oo ay sheegeen inuu maanta si rasmi ah uga bilaabmi doono Istaanka Jabuuti, taasoo ay sheegeen inay noqon doonto jidkii ugu horreeyey ee Laamay ah ee ka tallaaba halka loo yaqaanno boqol iyo kontonka.

Illaa shantan waddo iyo mashaariic kale ee ay xadhiga ka jareen ayaa noqonaya saddexdii bilood ee u dambeeyey waxqabadkoodii, waxaanay sheegay inay mashaariiic kale oo xaga qurxinta bilicdana ay bilaabi doonaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland