4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2013
Booliiska Somaliland oo baaritaano ku sameynayay Gaadiidka Hargeysa iyo Su'aalo ay shacabku iska weydiiyeen (SAWIRRO)


Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Ciidamadda Booliska Somaliland, ayaa maanta hawlgal balaadhan oo ay ku baadhayeen gaadiidka  iyo dadka la socdaba ka bilaabay magaaladda Hargeysa.

Dadweynaha ayaa wax badan iska waydiiyey sababta keentay in ciidanku si xoogan u baadhaan gaadiidka iyo waxa soo cusboonaaday ee keenay in hadh cad gaadiidka la baadho, maadaama oo hore sidan oo kale loo baadhi jirin.

Haseyeeshee inta badan habeenkii ayaa looga bartay in sidan oo kale loo baadho gaadiidka, balse waxa maanta baadhitaankani  la bilaabmay galinkii hore ee maanta, iyagoo isgoysyada magaaladda ku yaalla gadiidka soo mara ciidanku xoog u baadhayeen.

Dadweynaha iyo gaadiidka la baadhayey ayaa iyagu talaabadan amniga lagu sugayo soo dhoweeyey, isla markaana sheegay inay raali ka yihiin qaab kasta oo amniga kor loogu qaadayo, waxaana la arkayey dadweynaha oo la shaqaynayey Booliska, isla markaana u fududaynaya baadhitaanka ciidanka.

Inkastoo ciidanku ay dadweynaha u sheegayaan in aanay wax dhibaato ahi jirin, balse ay hubinayaan gaadiidka iyo waxa saaran, haseyeeshee dadweynaha ayaa is waydiinayey waxa cusub ee sidan loogu baadhayo gaadiidka iyo rakaabka la socdaba.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Gen:Cabdilaahi Fadal Imaan, ayaa isagu badhitaankan ku macneeyey waajibaadkoodii oo ay si caadi ah u gudanayaan, isla markaana aanay jirin wax cusub oo lagu baadhayo, balse ay shaqadoodii ay awal horaba qaban jireen ay tahay.

Taliyuhu ma cadayn ujeedadda dhabta ah ee sidan xoogan wax loogu baadhayeen, haseyeeshee waxa uu sheegay in ciidanka Booliska mar walba ay heegan ku jiraan, isla markaana baadhitaanada noocan oo kale ah ay mar kasta ay sameeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan magaaladda laguma arki jirin in maalin cad la baadho gaadiidka iyo dadka la socda oo ay ku jiraan gaadiidka dadweynaha ee xaafadaha u kala baxa, haseyeeshee ciidanka Booliskuna ma cadayn sababta u baadhayaan, illaa hadana wax natiijo ah kama soo saarin baadhitaankoodda.


Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland