4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2013
Al-shabaab oo la Wareegtay Isbitaalka Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay oo ay Gacanta ku haysay Hay’adda MSF Swiss

Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa Arbacada maanta ah gellinkii dambe la wareegay isbitaalka degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo ay gacanta ku haysay hay’adda MSF Swiss, iyagoo ka qaatay qalabkii halkaas yaallay.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay gudaha u galeen isbitaalka iyadoo ay howlo caafimaad halkaas ka socdeen, waxayna amar ku bixiyeen in la joojiyo howlaha isbitaalkas ka socday, iyagoo qaatay dhammaan qalabkii yaallay.

“Al-shabaab waxay la wareegtay gellinkii dambe ee maanta isbitaalka guud ee Diinsoor oo ay maamulaysay MSF Swiss, waxayna halkaas ka qaateen wax walba oo yaallay,” ayuu yiri goobjooge magaciisa ka gaabsaday oo la hadlay warbaahinta.

Tallaabadan ay qaadday Al-shabaab ayaa kusoo beegmaysa kaddib markii ay maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday hay’adda MSF inay joojinayso gabi ahaan howlaha caafimaad ee ay ka hayso Soomaaliya.

Sidoo kael, xoogagga Al-shabaab ayaa gudaha u galay xafiisyo ay MSF Swiss ku lahayd degmada Diinsoor ee xarunta gobolka Bay, iyagoo halkaas ka qaatay qalabkii halkaas yaallay, iyadoo degmadan ay ka mid tahay degmooyinka ay ka taliso Al-shabaab.

Madaxa guud ee MSF ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ayaa ku sheegay in sababta ay u joojinayaan howlaha ay Soomaaliya ay tahay amni-darro iyo dhibaatooyin ay la kulmeen shaqaalahooda samafalka.

Inkastoo Al-shabaab aysan ka hadlin sababta ay u gashay isbitaalka Diinsoor ayaa haddana waxay hay’adda MSF ahayd haya’daha fara ku tiriska ah ee ay Al-shabaab u ogolaatay inay ka shaqeyso deegaannada ay ka taliyaan.

Al-shabaab ayaa horay uga mamnuucday inay ka shaqeeyaan deegaannada ay ka taliyaan ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya hay’ado samafal oo kala duwan, kuwaasoo ay ku jireen kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo madax-bannaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya