4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2013
Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Dalka Masar iyo ciidamada Amniga oo isku dhacay iyo khasaare ka dhashay (SAWIRRO)


Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo taageerayaashii Maxamed Mursi ka mid ah ayaa ku dhintay, 98 kalena dhaawacyo kala duwan aya akasoo gaaray iskahorimaad maanta bartamaha Qaahira ku dhexmaray ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha madaxweynihii talada laga tuuray ee dalka Masar.

Isku dhacyadan ayaa ka dhashay markii ciidamada ammaanka ay isku dayeen inay si khasab ah kaga kexeeyaan dadka mudaaharaadayay goobo ay kaga sugnaayeen Masar, iyadoo laba gooboodoo oo waaweyn ay ka dhaceen iskahorimaadyadu.

“Waxaan fagaarayaasha ka qaadnay 10-dhimasho ah iyo dhaawaca 98-qof oo kale. Dhammaantood waxay ahaayeen taageerayaashii madaxweynihii Masar ee xilka laga qaaday oo dhigayay dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in xilkiisii lagu soo celiyo,” ayuu yiri madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Masar, Maxamed Suldaan oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar ayaa iyaduna sheegtay in hal askari oo booliis ah uu kaga dhintay isku-dhacyadii ka dhcaay bartamaha magaalada Qaahira, sagaal kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Goobaha ay ka dhaceen isku dhacyada khasaaraha geystay ayaa waxay kala yihin: Rabax Al-Cadwiya iyo Nahda, iyadoo la xiray dhammaan waddooyinkii waaweynaa ee dalka Masar, waxayna ciidamadu adeegsanayeen rasaas nool iyo suntan dadka ka ilmeysiisa.

Magaalada Qaahira qaarkeed ayaa waxaa ka kacayay qiiq fara badan oo ka dhashay isku dhacyada dhexmaray ciidamada ammaanka Masar iyo dadka taageersan madaxweynaha dalkaas, iyadoo hawada magaaladaas ay dul-heehaabayaan diyaarado ay leeyihiin ciidamada milateriga Masar.

Wakaaladda wararka ee Masar MENA ayaa shaacisay in ciidamada amaanku ay xireen 200-qof oo taageerayaasha Mursi ka mid ah, kuwaasoo la sheegay in qaarkood ay wateen hub fudud.

“Ciidamadu waxay laynayaan shacabka… eeg sawirradan…” ayuu yiri mid ka mid ah taageerayaasha Mursi oo dhaawac fudud uu kaga yaallay qoorta oo la hadlayay warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa Masar.    

Dowladda Masar ayaa wrasaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tani ay tahay mid ay ku doonayso inay ku nadiifiso waddooyinka magaalada Qaahira balse aysan ahayn mid ay kula dagaalamayso dibadbaxayaasha.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya