4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaan ka tirsan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 15 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo maanta deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in lixda qof ee dhintay ay shank a mid ah ahaayeen ciidamadii dagaalamay halka qofka kalena uu ahaa qof rayid ah oo ay haleeshay xabbadihii la is-dhaafsanayay.

Deegaanka Garasweyn ee maanta uu dagaalku ka dhacay ayaa ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoo ay ka taliso Al-shabaab.

Daagaalkan ayaa sheegay inuu qarxay markii ciidamada dowladdu ay weerar ku qaadeen deegaankaas, balse weli waxaa deegaanka gacanta ku haysa Al-shabaab, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ay ka socdaan degmada Ceelbarde iyo degmada Xudur oo saldhigyo ay ku kala leeyihiin Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaal noocan oo kale ah uu ka dhaco deegaankaas iyo deegaanno kale oo ay labada dhinac kuwada sugan, iyadoo toddobaadkii lasoo dhaafay uu dagaal noocan oo kale ah ka dhacay deegaan hoostaga degmada Ceelbarde.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool ayaa waxay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan deegaanno horay ay gacanta ugu hayeen, balse ay hadda ka taliso Al-shabaab, kuwaasoo ay ka mid tahay degmada Xudur.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya