4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Golaha Guurtida iyo Xisbiyada Mucaaradka oo Madaxweynaha ku Taageeray darajooyinkii uu siiyay Ciidamadda Somaliland

Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland, ayaa maalmihii u dambeeyey si weyn u hadal hayey darajooyinka ciidamada Somaliland loo qaybiyey, kuwaas oo intoodda badan si weyn usoo dhoweeyey dalacsiinta loo sameeyey ciidamada.

Golaha Guurtidda, Xisbiyadda mucaaradka iyo muxaafadkaba, ayaa madaxweyaha ku hambalyeeyey go’aanka uu qaatay ee uu ku dhamaystiray haykalka dawladnimo, kuwaas oo sheegay inay ciidanku muddo dheer sugayey in darajooyinka lagu taxo si ay u kala sareeyaan.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa  madaxweynaha ugu hambalyeeyey talabadda uu qaaday oo uu sheegay inuu ahaa mid aad loogu baahnaa, waxaanu sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo guddidi uu u xilsaaray inay soo sameeyaan darajooyinka ciidamada kala duwan ee dalka ay hawl adag qabteen.

“Xukuumadda maanta talada dalka haysaa waxay ku talaabsatay wax ay ku dhici waayeen xukuumadihii  iyada ka horeeyey, taasina ay tahay geesinimo ay muujisay kuna amaanayo ku dhacaa ay ku dhiiratay, waxaan leeyahay in dadka wax ka sheegaya madaxda ay u tudhaan oo ay wax kasta ku oran,” ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud.

Guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee golahaas, Cawl Xuseen Axmed ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan darajooyinka la siiyey ciidamada kala duwan ee uu leeyahay qaranka Somaliland,taas oo ah talaabo geesinimo oo ay qaaday xukuumada haysa hogaanka dalka.

Waxa kaloo isna halkaa ka hadlay xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan(Indha-indho)oo ka tirsan golaha guurtida oo ka hadlayey askarta cabanaysa waxa uu yidhi “way dhici kartaa in dadka qaar cawdaan oo meelna cabasho lagama waayo, laakiin guddidii u xilsaarnayd hawshani waxay sheegeen inay qancinayaan cidii cabasho waddata, markaa cidii wax tirsanaysaa waa inay u tagtaa gudida oo diyaar ugu ah xafiiskooda”.

Inkastoo dadwweynaha iyo xisbiyada mucaaradkuba soo dhoweeeyeen darajo siinta ciidamada oo uu wakhtigi xisbiga kulmiye mucaaradka ahaa doorashada ku galay, isla markaana uu oofiyey balantii hadana waxa jira cabashooyin ay ciidamada qaar ka sheeganayeen in la is daba mariyey, isla markaana darajooyin ay sugayeen kuwo ka hooseeya la siiyey.

Inta badan waxay cabashadu ka soo yeedhaysaa ciidanka Booliska, haseyeeshee waxay dadku amaanayaan isla markaana si wanaagsan loo siiyey ciidamada Militariga Somaliland oo iyaga lagu qiimeeyey aqoontoodda iyo waayo aragnimada ciidanka u leeyihiin, waxana jira saraakiil dhalinyaro ah oo waxbarasho dibadeed helay kuwaas oo iyaga markiiba aqoonta ay soo mareen ku helay darajooyinkoodda.

Xukuumadihii soo maray Somaliland ee kala dambeeyey ayaa waxay intooda badan awoodda saareen dhisida ciidanka Militariga, kuwaas oo koorasyo kala duwan oo dibadeed u helay ciidankaasi, waxaana inta badan waxbarashadaasi u fududeeyey dawlada Itoobiya oo saraakiil badan waxbarasho ciidan siiyey.

Sidoo kale, waxa aan cabasho laga sheegin ciidanka asluubta, ciidanka badda iyo Ciidamadda laanta socdaalka oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo la sheegay in si fiican loo qaybiyey.

Taliyaha qaybta Buuhoodle ee Ciidamada Booliska Cabdiraxmaan xaaji khaliif (Bilaal), ayaa wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ka codsaday in dib loo saxo khaladaadka ka yimid darajo siinta ciidamadda.

Taliyuhu waxa uu sheegay in taliye ku xigeenkiisi uu ka sareeyey laga saraysiiyey, isla markaana taliyaha uu yahay aan lagu siin darajadda, sidoo kale waxa uu sheegay in degmooyinkii iyo saldhigyadii uu xumayey qaarkood laga saraysiiyey.

“Waxaana imika lagu jiraa sidii loo soo sixi lahaa, wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaba waxaan ka codsanaynaa in dib loo saxo khaladaadka dhacay oo dhamaan saldhigyada iyo degmooyinka wada saameeyey, waxayna ahayd in taliyenimada lagu siiyo, oo siday u kala sareeyaan imika loo kala siiyo”ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska ee Buuhoodle Bilaal.

Taliyaha Booliska Somaliland Gen:Cabdilaahi Fadal ayaa sheegya inay sixi doonaan wixii khaladaad ah ee ka yimid dalacsiinta ciidanka, waxaanu tilmaamay in inta badan iyaga farta lagu godayey qaabkay wax u maamuleen, waxaanu taliyaha iyo gudoomiyihii guddidii qiimeynta ciidanka sheegeen in wixii khalad ah ee dhaca la sixayo, inkastoo ay xuseen in qofkasta warbxintii laga diyaariyey lagu qiimeeyey darajadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, guddidii loo saaray qiimeynta ciidamadda ayaa sheegay in askari kasta wixii laga qoray iyo warbixintii uu sheegay lagu qiimeeyey, isla markaana lagu salaynayey aqoontiisa iyo mudada uu ciidanka ku jiray, ka dibna askari kasta la dhaarinayey inuu waxaan uu sheegay ka run sheegayo iyo in kale,sidaasna lagu kala saaray ciidanka laguna kala dalacsiiyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland