4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia oo Xalay Kulan la Qaatay Wasiirro iyo Saraakiisha Hay’adaha Amniga (SAWIRRO)


Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya , Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan la qaatay wasiirro, saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, isagoo kala hadlay xaaladda ammaan ee dalka.

Kulankan ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed isgoo sheegay in kulanku uu ku saabsanaa sugida ammaanka dalka iyo howl-galladii ugu dambeeyay ee ay ciidanka ammaanku sameeyeen kuwaas oo laga gaaray horumaro dhanka la dagaallanka argagaxisada ah iyo weliba unugyo isku xiran oo ku howlanaa qal-qal-gelinta amniga.

“Kulanku wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaare Saacid, waxaana si qoto-dheer looga hadlay waxqabadka hay’addaha amniga dalka, gaar ahaana Muqdisho, waxaana si aad ah looga dooday qorshaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka, dood dheer kaddib waxaa la isla qiray in toddobaadkii ugu dambeeyey la qabtay howlo badan oo amniga Muqdisho ku saabsan, waxaana hay’addaha ammaanku iyagoo is-kaashanaya ay gacanta kusoo dhigeen 17 unug oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo xusay in unugyadan oo ka kooban halkii unugba uu ka koobnaa saddex illaa 11-xubnood oo gabi ahaan lasoo qabtay, iyagoo ku howlan falal ay dhan ah amniga.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in warbixino cad-cad ay hay’adaha amnigu kasoo gudbiyeen kooxahan nabadiidka ah, si loo cirib-tiro. Isgaoo intaas ku daray in degmooyinka howlgalladan laga fuliyay ay ka mid yihiin Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley, Xamar-weyne, Xamar-jajab, Shibis, Bakaaro, Heliwaa, Dayniile iyo Wadajir, tirada guud ee kooxahan ee gacanta lagu dhigayna ay dhan yihiin 39 ruux.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inay jiraan howlo ballaaran oo weli ay ku guda jiraan hay’adaha amniga iyagoo dhidibbada u siibaya unugyada weli ku howlan amni-xumada.

“Runtii waa guul billow ah, waxaana rajeynayaa in la xaqiijin doono amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waana waajib na saaran in kooxahaas aan shacabka ka badbaadino,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo shacabka ugu baaqay inay gacan ka geystaan ka hortaga kooxahaas.

Kulanka ra’iisul wasaaruhu la qaatay wasiirrada iyo saraakiisha amniga ayaa wuxuu qeyb ka yahay kulammo is-daba-jooga ah oo uu la qaadanayay toddobaadyadii ugu dambeeyay hay’addaha ammaanka, kuwaasoo uu kula xisaabtamayay xaqiijinta amniga iyo xasilinta dalka.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya