4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
“Jaamacadda Bay Waxay leedahay Kambiyuutarro & sheybaar ay Ardaydu wax ku bartaan” WAREYSI GAAR AH (SAWIRRO)


Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Hormuudka jaamacadda Bay oo dhawaan laga furay magaalada Baydhabo, Jabriil Maxamed Aadan ayaa wuxuu ka war-bixiyay jaamacadda iyo habka ay ardayda wax u barto, iyadoo wareysi uu siiyay HOL uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin waxbarashada jaamacadda. Wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:

Su’aal: Ma inoo sheegi kartaa waxa idinku dhaliyay inaad Jaamacaddan ka furtaan magaalada Baydhabo?.

Jawaab: Markaan darisnay baahida waxbarasho ee ka taagan gobolka Bay iyo gobollada dariska la ah ayaa waxaa inoo soo baxday inay jirto baahi ku aaddan waxbarashada sare taasoo markii dambe aan wax iska weydiinnay; waxaana inoo soo baxay inaan furno Bay University, annagu waxaanu nahay dhallinyaro deegaanka ah oo waxbarasho kusoo qaatay gudaha iyo dibada dalka, marka waxaa ALLE mahaddiis ah inaan garowsannay inaan aqoontii aan soo barannay kula so laabanno dalka, wixii aan baranayna aan u gudbinno walaalaheen halkan ku sugan.

Su’aal: Jaamacadda Bay, imisa maaddo ayaa idiin qorsheysan inaad ku bixisaan. Imisa macallin ayaana ka howlgasha?

Jawaab: Intaan u gudbin jawaabta waxaa iga xasuus ah in jaamacaddan la furay 6/05/2013, waxaana noo qorsheysan inaan ka dhigno 7-kulliyadood  oo kala ah: BA, IT, Nurse iyo Lab, Medicine & Surgery (MBPS), Public health, darasaadka islaamka iyo Social Science-ka; waxaana ka hawlgala 12 macallin oo aqoontoodu ay tahay heer jaamacadeed oo aad u sareysa.

Su’aal: Ardeyda qaab sidee ah ayaad ku xulateen? Waana sidee xiriirka idin kala dhexeeya dugsiyada sare ee ka jira magaalada Baydhabo iyo gobolka Bay oo dhan?

Jawaab: Marka hore waxaan kuu caddeynayaa in xiriir wanaagasan aan la leenahay dugsiyada sare ee ka jira Baydhabo; macallimiinta ka hawl-gala dugsiyada sare ee magaaladan qaar ka mid ah jaamacadda ayay wax ka bartaan. Midda kale ardayda waxaan ku xulunaa ardayga marku kasoo baxo dugsiga sare, shahaadadiisana ay cusub tahay waqti dheerna aysan u dhexeyn markii uu shahaada qaatay iyo xilliga u noo yimid. Markaas kaddib ayaan waxaan marsiinnaa imtixaan kale, haddii uu ku guuleystana si toos ah ayuu u fariistaa fasalka jamacadeed. Tan kale ardayga haddii uu waqti ay u dhaxeyso markii uu shahaada qaatay iyo marka uu noo yimaado waxaan marsiinnaa diyaar-garow jaamacadeed annagoo kasoo dhisna aasaaska, si gaar ah waxaan uga dhisnaa maaddooyinka sayniska iyo xisaabta.

Su’aal: Ardayda qaabkee ayaad ku qaadatiin, ma jirtase mudnaan aad kala siisaan ardayda deegaannada kala duwan kasoo wada jeeda? Mase jirtaa deeq wax-barasho oo jaamacaddiisu ay siiso cidda aan awoodin inay iska bixiso kharshaadka waxbarshada jaamacadeed?

Jawaab: Waa su’aal wanaagsan! annaga ardayda uma fiirinno heyb iyo gobol toona mana raad-raacno, muhiimna nooma ahan ardeyga deegaanka uu ka soo jeedo. Ardey kasta waan soo dhaweynaa kaliya waxaan ku qiimeynnaa kalintiisa waxbarsho annagoo ardayda kaalinta koowaad iyo labaad gala aan siinno deeq waxbarasho oo jamacadeed,  sidoo kale waxaan waxbarasho aan lacag ahayn aan siinnaa seddex qof oo ka shaqeya isbitaalka guud ee degmada Baydhabo, kuwaasoo aan barno caafimaadka.

Su’aal: Ka waran xariirka aad la leedihiin jamacadaha dalka gudihiisa ku yaalla iyo kuwa dibadda?

Jawaab: Waxaan xiriir fiican la leennahay jaamacado kala duwan oo ku kala yaalla gudaha dalka iyo dibaddiisa. Waxaan ka xusi karaa jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka SIMAD, Plasma, Horseed iyo kuwo kale. Jaamacadaha dibadda ku yaalla ee aan xiriirka leennahay iyagana waxaa ka xusi karaa jamaacado ku yaalla dalalka Pakistan, Bangladesh iyo qaar ka tirsan dalalka carabta, waxaana qorsheyneynaa inaa xariir wanaagsan la yeelano kuwa ku yaalla dalalka Afrika iyo Yurub.

Su’aal: Ma inoo sheegi kartaa tirada ardayda dhigata jaamacadda Bay ee magaalada Baydhabo? Qorshahiina mustaqbalka fogna waa maxay?

Jawaab: Ardayda dhigata Jaamacadda waa 150-ardey oo aan ku furnay, welina waxaan wadnaa diiwaan-gelinta ardayda. Markaan mustaqbalka waxa aan rajeynayno aan ka hadlo waxa weeye… dhawaan inaan bilowno muddo kooban oo waxbarasho ah oo baxaysa dhammaadka toddobaadka walba, taasoo aan ugu talogalnay dadka shaqeysta ee aan imaan karin jaamacadda  maalin walba. Jaamacaddu waxay leedahay sheybaar casri ah iyo kombiyuutarro aan ardayda wax ku barno. Dhawaanna waxaan kusoo kordhin doonnaa qalab kale oo casri ah.

Ugu dambeyn, waxaa qorsheynaynaa inaan faracyo ku yeelanno gobollo kala duwan oo dalka ka tirsan sida: Bakool, Gedo, Jubbada dhexe, Jubbada hoose, Shabeellada hoose, Shabeellada dhexe iyo gobolka Hiiraan.

W/Wareystay Wariye: Ismaaciil Farxaan

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya