4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Ergadii Shirka Kismaayo oo Muddo 20 Maalmood ah Waqtigii ugu kordhiyay Madaxweynaha si uu Maamulkiisa u dhameystiro (SAWIRRO)



Isniin, August 12, 2013(HOL) :- Ergadii soo dooratay madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa 20 beri oo dheeri ah ugu daray madaxweeynaha si uu u dhameystiro dhismaha labada gole ee maamulka.

Shir maanta ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo islamarkaana ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa looga dalbaday ergadii shirka yaa looga codsaday in waqti kordhin ay u sameeyaan madaxweynaha si uu usoo dhameystiro maamulka.

Gudomiyaha gudigii qabanqaabada shirkii Kismaayo Macalim Max’ed oo ugu horeeyn goobta ka hadlay ayaa ergadii shirka u gudbiyay codsi uu usoo dhiibay madaxweeynaha maamulka Jubbaland kaasoo ahaa in mudo 20 maalmood oo dheeri ah loogu daro si uu usoo dhiso golayaasha maamulka.

Intaa kadib ayaa waxa bilaabatay cod u qaadidda codsigii ka yimid maamulka, waxaana aqbashay dhamaan ergadii shirka kasoo qeybgashay in mudo 20 maalmood ah ay ugu kordhiyaan.

Gudoomiyaha gudiga farsamada shirka oo goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay ergadii kasoo qeybgashay shirka waqti kordhinta ay u sameeyeen Madaxweeynaha, wuxuuna sheegay in 20 beri aan la sugi doonin balse mudadaa kahor lasoo dhisi doono golihii baarlamanka.

 Waa markii sedexaad oo madaxweeynaha maamulka Jubbaland uu codsado in waqti kordhin loo sameeyo, iyadoona ay xusid mudantahay in wafdi ka socday IGAD oo shalay soo gaaray Kismaayo ay ka codsadeen masuuliyiinta maamulka in 10 maalmood dib loo dhigo ku dhawaaqidda golaha wasiirada ee maamulka.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya