4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Xiritaanka Xawaaladaha Somalia ku Tilmaamay mid lagu cunno-qabteynayo Soomaalida (SAWIRRO)


Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland oo ka qaybgalay shir looga hadlayay xawaaladaha iyo sida loola socon lahaa in lacagaha la isugu diro aan loogu adeegsan lahayn falal dambiyeedyo oo maanta lagu qabtay Garoonka ayaa ka digay in la xiro xawaaladaha lacagaha la isugu diro.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in lacagaha la isugu diro xawaaladaha ay ku tiirsan tahay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed haddii la xirana ay imaanayso in dadkaas ay soo wajado dhibaato dhinac nolosha ah.

“Xawaaladuhu waxay gaareen heer aad u wanaagsan oo xitaa isgaarsiinta ayaa sameysay qaab fudud oo taleefoonnada lacagaha la isugu diri karo, taasna waxay ka turjumaysaa horumarka ballaaran ee ay sameeyeen xawaaladaha,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole oo kulankaas ka jeediyay khudbad dheer.

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka mukhaadaraadka iyo dambiyada ee loo yaqaan UNODC, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda xawaaladaha ka howlgala Puntland iyo kuwa isgaarsiinta.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inay habboon tahay in koontarool lagu sameeyo lacagaha xawaaladaha lagu diro halka ay tagaan, balse aysan taas macnaheedu ahayn in la xiro oo la cunno-qabteeyo shacabka Soomaaliyeed.

“Xiridda xawaaladaha waxay noqonaysaa in cunno-qabateyn lagu sameeyo Soomaaliya, waayo boqolaal kun oo qof oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan lacago looga sii diro dacallada caalamka oo lasoo mariyo xawaaladaha,” ayuu ku daray hadalkiisa oo u muuqday digniin uu ka digayo in xawaaladaha la xiro.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in hoos u dhac weyn uu ku yimid lacagta Soomaaliya, isagoo taas ku macneeyay inay ku yaraadeen suuqyada dalka iyo qorshe lacag cusub dalka lagu keenayo oo aan xilligan muuqan.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya iyadoo bankiyada dalka Britain ay ku dhawaaqeen dhawaan inay xiriirka u jarayaan xaawaladaha Soomaalida ee lacagaha dhigan jiray, iyagoo sabab u dhigay inay lacagtaas qaarkeed ku dhacdo gacmaha Al-shabaab.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya