2014-11-26
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Xildhibaanno Ilyaas Barre Shiil oo Shaaciyay in Kenyan aysan doonayn inay Qabsato Taako ka mid ah dhulka Soomaaliya


Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Kenya aysan doonayn inay taako ka mid ah dhulka Soomaaliya qabsato, wararka la faafiyayna ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in la isaga horkeeno labada dal iyo labada dowladood.

Mudane Barre oo ka hadlayay kulan ka dhacay Nairobi oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin Soomaaliyeed oo xilal kala duwan kasoo qaybtay Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha Kenya ee ku aaddan Somalia uu yahay inay iska kaashadaan la dagaalanka argagaxisada.

“Qorshaha Kenya ee Soomaaliya waa inay iska kaashadaan sidii ay dagaal wadajir ah ula geli lahaayeen argagaxisada oo labada dalba dhibaatooyin isku mid ah u geystay, balse waa waxaan jirin in Kenya ay doonayso inay qabsato dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas Barre.

Xildhibaanku wuxuu hadalkan ku sheegay mid been abuur ah oo dantiisu ay tahay in la isaga horkeeno labada dowladood oo walaalo ah, isagoo tusaale u soo qaatay inay kulanka goobjoog ka yihiin mas’uuliyiin xilal sarsare kasoo qabtay Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Kenya waa dad walaalo ah, dantooduna waa inay si nabad ah ku noolaadaan, ma jirto wax colaad ah oo u dhexeysa, mana doonayno inaan taako dhul ah oo Soomaaliya ka mid ah aan qabsanno,” ayuu Barre hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, waxaa isagana kulanka ka hadlay xildhibaan Maxamed Daahiye oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya, isagoo dowladda Somalia ugu baaqay inay la heshiiso maamulka Jubbaland si qoxootiga Somalia ah ee ku jira xeryaha Kenya ay u suurogasho in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Hadalladan ayaa waxay meesha ka saarayaan shakigii laga qaybay in soo gelitaanka Kenya ee Koonfurta Soomaaliya uu yahay inay ka sameysato dhul ay ka difaacdo dalkeeda oo weerarro ay ku qaaddo Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

2013-08-12 2:24 PM EST
Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Hormuudka jaamacadda Bay oo dhawaan laga furay magaalada Baydhabo, Jabriil Maxamed Aadan ayaa wuxuu ka war-bixiyay jaamacadda iyo habka ay ardayda wax u barto, iyadoo wareysi uu siiyay HOL uu kaga hadlay arrimo badan. Wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:

2013-08-12 1:39 PM EST
Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammanka gobolka Bay ayaa maanta ka dhacay degmada Baydhabo, kaasoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada, waxgarad iyo aqoon-yahanno kasoo jeeda gobolkaas.

2013-08-12 11:28 AM EST
Isniin, August 12, 2013(HOL)—Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey gelinkii danbe ee shalay xaruunta Ark Academy oo ku taal xaafada Wembley Park ee magaalada London, xafladaasi oo lagu daahfurayay furitaanka koobka cayaaraha Somaliweek London 2013.

2013-08-12 11:15 AM EST
Isniin, August 12, 2013(HOL) :- Ergadii soo dooratay madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa 20 beri oo dheeri ah ugu daray madaxweeynaha si uu u dhameystiro dhismaha labada gole ee maamulka.

2013-08-12 10:28 AM EST
Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo dalkaas ayaa khudbad uu jeediyay maanta ku sheegay in dalkiisu uusan dib dambe ugu laaban dooni gumeysi, isagoo doorashadii dhawaan dhacday ku tilmaamay mid u dhacday si dimuqraadiyad ah.

2013-08-12 10:02 AM EST
Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland oo ka qaybgalay shir looga hadlayay xawaaladaha iyo sida loola socon lahaa in lacagaha la isugu diro aan loogu adeegsan lahayn falal dambiyeedyo oo maanta lagu qabtay Garoonka ayaa ka digay in la xiro xawaaladaha lacagaha la isugu diro.

2013-08-12 9:46 AM EST
Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Waxaa heer gabo-gabo ah maraya qeybtii koowaad dhismaha masjidka Bardaha magaalada Baladweyne oo ah masjid facweyn oo soo dhisnaa sida la rumeysan yahay wax ka badan 100 sano.

2013-08-12 7:54 AM EST
Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarya magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaddib casuumaad ay ka heleen guddoonka baarlamaanka dalkaas.

2013-08-12 7:30 AM EST
Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Jaamacadda ADMAS University College, ayaa xalay xaflad Casha sharaf ah u samaysay toddoba arday oo hore uga qalin jabiyey jaamacadda oo deeq waxbarasho (Shoolership) ka helay dalka Turkey.

2013-08-12 6:52 AM EST
Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Munaasabado lagu furayey machadyo diini ah ayaa lagu qabtay magaalooyinka Yeyle oo ku dhawaad 100-KM Waqooyi-galbeed kaga xigta magaalada Laascaanood iyo Boocame oo 75-KM dhinaca Bari kaga beegan Laascaanood.

2013-08-12 3:01 AM EST
Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Afhayeenka howgallada ururka Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa hadal uu siiyay warbaahinta afkooda ku hadasha wuxuu uga digay shacabka Muqdisho ku nool inay u dhawaadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay leeyihiin Muqdsiho iyo weliba xarumaha hay’adaha gargaarka oo uu ka xusay kuwa UN-ka.

2013-08-12 2:22 AM EST
Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee DKMG ahayd ee Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa dhaliilay dowladda Soomaaliya ee xilka haysa, isagoo sheegay inay ku filnaan waysay inay sugto ammaanka Muqdisho, sidoo kalena ay ugaarsi gaar ah ku hayso qaar ka mid ah beelaha Muqdisho.