4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2013
Fiqi oo sheegay in Alshabaab ay qorshaynaysay shirqool ka dhan ah qaar kamid ah hogaamiyayaasha Kenya

fiqi1.jpg
Axad, August 11, 2013 (HOL) - Madaxii hore ee sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano nabad-sugida Axmed Macallin Fiqi ayaa waraysi uu siiyay wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ku sheegay in uu ka hortagay weeraro la doonayay in lagu khaarajiyo labada hogaamiye ee ugu cadcadaa tartankii doorashadii dalka Kenya.

Shirqoolkan oo ahaa mid la rabay in Kenya lagu gaarsiiyo khasaare aysan kasoo waaqsan ayaa lagu doonayay in lagu weeraro isu soo baxyada siyaasadeed ee ay samaynayaan labada musharrax ee ugu horreeyay tartanka oo kala ahaa madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyatta iyo Ra'iisul wasaarihii hore ee Raila Odinga.

Fiqi ayaa sheegay in macluumaadkan laga helay kadib markii ciidamada Soomaaliya ay toogasho ku dileen Fazul Maxamed bishii June 2011 oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

Waxaana Fazul gaarigiisii laga helay computer laptop ah oo ay ku jirtay sir muhiim ah oo ay kamid tahay qorshayaasha Alshabaab iyo meelaha ay doonayso inay bartilmaameedsato.

Waxaa kale oo uu sheegay in laga helay gaarigiisa waraaqo iyo cajalado dhammaantood ay ku jirtay sir muhiim ah.

Fiqi ayaa sheegay in macluumaadkaas oo ay kamid ahayd weeraro lagu qaado magaalooyinka waawayn ee dalka Kenya sida Nairobi iyo Mombasa, haddana la qorsheeyay in la weeraro labada hogaamiye ee ugu shacbiyada badan isu soo baxyada siyaasadeed ee kaambaynkooda, inkastoo aan si toos ah loo magacaabin Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo iyagu ahaa labada nin ee ugu shacbiyada badnaa.

Wargeyska The Standard ee waraysigan xaasaasiga ah la yeeshay Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale soo xigtay mid ka tirsan saraakiisha sirdoonka Kenya oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Waxaana sargaalkani uu qiray in macluumaadkii laga helay computerkii Fazul ay keentay in la baajiyo weeraro halis ah oo Kenya ka dhici lahaa.

"Macluumaadka uu fiqi nasiiyay waxay noo fududaysay inaan xataa ogaano meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan xubnaha Alshabaab ka tirsan ee ka hawlgalayay Kenya" ayuu yiri sargaalka ka tirsan sirdoonka Kenya.

Fiqi ayaa sidoo kale waraysigiisa ku sheegay in waraaqihii laga helay alaabadii Fazul ay muujinayeen inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha kooxda Alshabaab, uuna waraaqo u qoray Sheekh Osama Bin-laden uu kaga cabanayo qaabka uu wax uu maamulo Godane.

Waxaana kamid ahaa waxyaabihii uu ka cowday qaabkii loo fuliyay weeraradii lagu qaaday magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda kuwaasoo lagu beegsaday dad u soo daawasho tagay ciyaarihii koobka aduunka bishii june 2010.

Wargeyska ayaa sheegay in Fiqi uu qayb wayn kasoo qaatay baajinta weeraro lagu qaadi lahaa gudaha Soomaaliya amaba wadamada gobolka intii uu ahaa madaxa sirdoonka Soomaaliya, ayna labo-jibbaarmeen weerarada ay Alshabaab ka fuliso magaalada Muqdisho intii uu xilkaas iska casilay.

Macluumaadka uu Fiqi siiyay wargeyska laga leeyahay dalka Kenya oo ah kuwo lagu helay sirdoonka ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo masuul ka tirsan sirdoonka Soomaaliya uu macluumaad intaas le'eg u gudbiyo wargeys kasoo baxa waddan shisheeye.


Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya