2014-04-16
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2013
Mucaaradka Puntland oo dhaliilay go'aankii Puntland ay ku celisay Markabkii siday gargaarkii ka yimid dalka Turkiga


Axad, August 11, 2013 (HOL) —Iyadoo shalay dowladda Puntland ay dekedda magaalada Boosaaso ka celisey markab sidey deeq raashin ah oo ka timid hay'adda Bisha Cas ee Turkiga, taas oo ku socotey qaar kamid ah degmooyinka Puntland iyo gobollada dhexe ee dalka, ayaa waxaa arintaas siyaabo kala duwan u fasiray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliila xukuumadda Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Samatabixinta Puntland Inj. Cabdirisaaq Xuseen Gacayte oo maanta war-fidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa go'aanka ay Puntland qaadatay ku tilmaamay mid aan laga fiirsan.

Gen. Gacayte ayaa sheegay in aysan habooney in dib loo celiyo deeq ku socotey dad tabaaleysan, islamarkaana aad ugu baahan kaalmo bini aadminimo. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey in xilligan ay dalka ka jiraan abaaro, dhibaatooyin dhaqaale iyo shaqo la'aan baahsan.

"Go'aanka uu maamulka Garoowe qaatay waxaan u aragnaa mid aan laga fiirsan, waana ishortaag lagu sameeyey kaalmo bini aadminimo. Ma ahayn in raashinkaas dib loo celiyo. Waa run Puntland waa muumul madax banaan balse waxaa habooneyd in markaba la dejiyo markaas kadibna digniin laga soo saaro" Wasiirki hore ee Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland Eng. Gacayte ayaa yiri.

Ugu danbeyntii, wuxuu tilmaamay in maamulka Puntland uu deeqdan raashinka ah siyaasad ku saleeyey isagoo ka shidaal qaadanaya khilaafka soo kala dhex galay iyaga iyo dowladda Muqdisho, arintaasoo uu sheegay in ay tahay mid mas'uuliyad darro ah.

Deeqda raashinka ah ee laga celiyey dekedda magaalada Boosaaso ayaa isugu jirtey 40,000 oo kiish oo Bariis, Sonkor iyo Bur ah. Sidoo kale waxaa ku jirey 10,000 oo kartoon oo buskud iyo nafaqooyin kale ah, waxaana xusid mudan in deeqdan raashinka ah qayb kamid ahi ay ku wajahneyd gobollada dhexe ee dalka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya





Post your comments

2013-08-11 9:23 AM EST
Madaxii hore ee sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano nabad-sugida Axmed Macallin Fiqi ayaa waraysi uu siiyay wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ku sheegay in uu ka hortagay weeraro la doonayay in lagu khaarajiyo labada hogaamiye ee ugu cadcadaa tartankii doorashadii dalka Kenya.

2013-08-11 9:08 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Waxaa mar kale lagu qabtay Muqdisho shir ku saabsan Raod-Map-ka xuquuqda aadanaha Somalia, kaasoo ay ka qayb-galeen xoghayaha golaha wasiirrada, Maxamed Jamac Calas, ururrada bulshada rayidka ah iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay xuquuqul insaanka ee Geneva, Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari).

2013-08-11 8:43 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Soddon ka mid ah xildhibaannada dumarka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u dhoofay dalka Kenya si ay uga qaybgalaan siminnaar aqoon-kororsi ah oo looga hadlayo sida ay u shaqeeyaan baarlamaannada caalamka iyo sidii baarlamaanka Soomaaliya uu xiriir ula yeelan lahaa baarlamaannada kale ee caalamka.

2013-08-11 7:57 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) iyadoo la sheegay in lagu magacaabay soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

2013-08-11 7:56 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta la filayay in magaalada Kismaayo looga dhawaaqo golaha wasiirada maamulka Jubbaland ayaa waxa arintaasi ku yimid dib u dhac iyadoona mudo 10 maalmood ah dib loo dhigay.

2013-08-11 3:22 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah ayaa ku guuleystay orodka dheer ee 10,000 oo mitir tartanka adduunka eek a dhacaya magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka.

2013-08-11 2:39 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukumadda uu madaxda ka yahay muddadii ay jirtay, isagoo xusay in waxyaabo badan ay ka qabteen dhibaatooyin ka taagnaa magaalada Muqdisho.

2013-08-11 2:00 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay dhaceen gargaar kala duwan oo loogu deeqay dadka Soomaaliyeed, kaasoo qiimihiisu ahaa 480,000 lacagta Britain ah oo la mid ah 75,000 oo doollarka Mareykanka ah.