4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Xildhibaanadii ku sugnaa Kismaayo oo dib ugu laabtay Muqdisho
Sabti, April 06, 2013(HOL) :- Waxaa maanta garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ka dhoofay ku dhawaad ilaa 43 Xildhibaan oo kamid ahayd xildhibaanadii dowladda federaalka ee dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada ayaa mudadii ay ku sugnaayeen Kismaayo waxay kulamo gooni gooni ah la qaateen masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo, gudiyada kala duwan ee shirka maamul u sameynta Jubooyinka iyo weliba ergada kala duwan ee ka qeybqaadaneeysa Shirka.

Xubnahani ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa sidoo kale mudadii ay joogeen ka qeybqaatay xafladii lagu taagayay calanka Jubbaland State, waxaana qaar badan oo kamid ah ay muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay u taageersanyahay dhismaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale xildhibaanadan ayaa sheegay in ay u yimaadeen xallinta kala aragti duwanaanta u dhexeeysa masuuliyiinta ugu sareeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Kismaayo, oo iyagu hore isugu khilaafay arinta maamul u sameynta Jubooyinka.

Masuuliyiinta katirsan maamulka KMG ee Kismaayo ayaa sagootiyay Wafdigii Xildhibaanada ahaa ee maanta u ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo waxaa maalmihii ugu danbeeyay kusoo qulqulayay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno taageersan shirka ka soconayo magaalada ee la doonayo in lagu dhiso dowlad goboleed ay yeeshaan Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online,
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.