4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Dadka ku dhaqan Magaalada Baladweyne oo Mar kale cabsi ka qaba fatahaad uu Sameeyo Wabiga Shabeelle

Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Baqdin iyo wal-wal xoog leh ayaa la soo darrsay xilligan dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne oo ka cabsi qaba fatahaad uu mar kale sameeyo wabigga Shabeelle, kadib roobab xoog leh oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka da’ay magaalada Baladweyne.

Wabiga Shabeelle oo hadda siweyn u buux dhaafay ayaa durbaba bilaabay in uu meelaha qaar fatahaad ka sameeyo, gaar ahaan xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Baladweyne oo uu wabigu jaray wado muhiim u aheyd isku socodka  dadka shacabka ah ee  ku dhaqan xaafaddahaas.

Dadka sida weyn u daraaseeya xaalada wabiga ayaa sheegay in haddii ay roobabku sida u sii socdaan, lagama yaabo in marka kale uu ku fataho xaafaddaha magaalada Baladweyne, madaama uu xilligan wado biyo aad u badan.

Gaar ahaan waxaa ay farta ku fiiqayaan roobabka wali ka sii da’aya deegaannada dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo biyo badan ku soo roga wabiga Shabeelle.

“Robab-ka hadda waa bilow, waxaa la filayaa haddii uu Alle idmo in uu sii da’aan maalmaha soo socda, waxaana muuqata in wabigu uusan xamili karin biyo kale, sidaa daraadeed haddii roobab kale oo saacado badan qaata ka da’aan magaalada waxaa suurtagal ah in ay ku fatahaan qaar ka mid ah xaafaddaha magaalada Baladweyne,’’ ayuu yiri Cumar Saciid oo ka mid ah aqoonyahannada ku dhaqan magaalada Baladweyne ee sida weyn ula socda xaalada fatahaada wabiga Shabeelle.

Baqdintan soo food saartay in badan oo ka mid ah qoysaska ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa ku soo beegmaya xili wali dibad joog yihiin qoysaskii ku barakacaya dabayaaqadii sanadkii aynu soo dhaafnay fatahaadii ku dhuftay xaafaddo ka tirsan magaalada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya