3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Xukuumadda Britain oo Muwaadiniinteeda uga Digtay inay Safarro ku Tagaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho


Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa soo saartay digniin cusub oo ay uga digayso muwaadiniinteeda inay booqdaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho oo ay sheegtay inay ka dhici karaan falal aragagaxiso oo ay ka mid yihiin qaraxyo.

Warbixintan oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Bartian ayay ku sheegtay in Al-shabaab iyo kooxo kale oo kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya laga yaabo inay weerarro argagaxiso ka fuliso magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Isla warbixinta ayaa lagu sheegay in weerarka argagaxiso ee la qorsheynayo in laga fuliyo Muqdisho uu marayo heer gabo-gabo ah, iyadoo uga digtay muwaadiniinteeda inaysan u safin Muqdisho.

Xukuumadda Britain ayaa sheegtay in weerarradan ay dhici karo in lala beegsado, maqaayadaha, hoteellada, goobaha ay dadku isugu yimaadaan, xarumaha dowaldda iyo garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha.

“Waxaan ku tali-naynaa inaan loo safari Soomaaliya. Taladeennu waxay caddeyn u tahay in weli ay ka jiraan gudaha Soomaaliya falal argagaxiso, waxaana jirta inuu heer gabo-gabo ah marayo qorsha weerar ee la doonayo in Muqdisho laga fuliyo," ayuu yiri afhayeen u hadlay xafiiska barwaaqo sooranka Britain.

Isagoo intaas raaciyay: “Nabadgalyada dadka u dhashay Britain ayaa ah mid aad muhiin inoogu ah xafiiskuna uu aad uga ka walaacsan yahay. Waxaana warbixintan u soo saarnay in dadkeennu ay dhibaatooyinkooda uga nabad-galaan.”

Xafiiska barwaaqo sooranka Britani ayaa sheegay in xaaladda nabadgalyo ee Muqdisho ay aad u soo kordhayay tan iyo markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho dhammaadkii 2011, balse ay weli jiraan fallaka argagaxiso ee ay ka fulinayso Al-shabaab gudaha Magaaladaas.

Bishii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen in ka badan 10-qof oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, kaas oo lagu weeraray taliyaha hay’adda nabadsugidda gobolka Banaadir.

Digniintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dowladda Britain ay horay uga digtay in muwaadiniinteedu ay u safnaa Somailand, iyadoo sheegtay in ay kusoo wajahan yihiin falal argagaxiso, inkastoo aysan weli waxba ka dhicin.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin digniinta dowladda Britain ay ku sheegtay inay Muqdisho ka dhici karaan falal argagaxiso oo laga yaabo inay fuliyaan Al-shabaab iyo kooxo dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/6/2013 12:58 PM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Waxaa faraha ka baxay amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka, iyadoo lagu arkayo xilliga salaadda maqribka iyo salaadda cishaha in waddooyinka qaar sida waddada Masaajidka shariif gacamey iyo waddada aadda xaafada Mursal ay isbaaro u taallo qaar ka mid ah ciidamada xooga dalka.

4/6/2013 12:25 PM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay maanta oo Sabti ah magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway.

4/6/2013 12:18 PM EST
Marxuum Ibraahim Cilmi Bullaale oo loo yaqaanay Ibraahim Xisbiyow ayaa maalintii jimcihi ee bishan April 5, 2013 lagu aasay magaalada Stockholm ee dalka Sweden

4/6/2013 12:01 PM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) —Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan howlaha xukuumadda, waxaana kulankii ay xildhibaannadu maanta yeesheen looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin la-xisaabtanka xukuumadda iyo wadashaaqeynta kala dhexeysa baarlamaanka.

4/6/2013 11:32 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Hal askari ayaa dhintay, afar kale oo laba ka mid ah ay yihiin askartii dagaalamay ayaa ku dhaawacmay dagaal ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray xaafadda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

4/6/2013 11:23 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo iskaashanaya ayaa maanta la wareegay deegaanno cusub oo ka tisran gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo ay gacanta ku haysay Al-shabaab, iyadoo tallaabadan lagu macneeyay in lagu adkeynayo ammaanka goobo ay horay u qabsadeen.

4/6/2013 11:00 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Dunida oo dhan waxaa laga xusay maalinta Miinada Adduunka , waxaana xus ku saabsan maalinkaas qabtay hay’adda horumarinta iyo isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN oo gacan ka helaysay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNICEF, iyadoo uga qayb-gashay xuska sannadkan tartan isboorti oo uu qaban-qaabadiisa uu lahaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta. Waxaana mushruucan loogu magac-daray ‘Waxbarashada Khatarta Miinada’.

4/6/2013 10:41 AM EST
Sabti, April 06, 2013(HOL) :- Waxaa maanta garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ka dhoofay ku dhawaad ilaa 43 Xildhibaan oo kamid ahayd xildhibaanadii dowladda federaalka ee dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.

4/6/2013 10:36 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Somaliland, ayaa maanta laga xusay lixda April oo ah maalintii lagu dhowaaqay Jabhaddii SNM ee dagaalka ba’an la gashay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

4/6/2013 10:31 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Baqdin iyo wal-wal xoog leh ayaa la soo darrsay xilligan dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne oo ka cabsi qaba fatahaad uu mar kale sameeyo wabigga Shabeelle, kadib roobab xoog leh oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka da’ay magaalada Baladweyne.

4/6/2013 1:32 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sida ay yihiin loo fulin doono qodobbadii kasoo baxay shirkii dib u habenta garsoorka dalka oo Jimcihii shalay lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho.