4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in la fulinayo qodobbadii kasoo baxay shirkii dib u habeynta Garsoorka Dalka


Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sida ay yihiin loo fulin doono qodobbadii kasoo baxay shirkii dib u habenta garsoorka dalka oo Jimcihii shalay lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qodobbada kasoo baxay shirkan ay yihiin kuwo wax weyn ka tari kara garsoorka dalka, isagoo xusay inay ka go’an tahay dowladda in la helo garsoor cadaalad ah oo ay dadku ku kalsoonaan karaan.

“Waxaan ballan-qqaadayaa wax walba oo aan tari karno inaan sameyno si aan qodobbada kasoo baxay shirka ee quseeya cadaaladda ay u dhaqageli lahaayeen; wixii duruufaha jira ay noo saamixi waayaan waan isla joognaa waana la socon doontaa. Waxaan rajeynayaa in shir kale aan qabanno, si la isku weydiiyo wixii ka qabsoomay qodobbadan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay ergadii ka qaybgalaysay shirkan oo socday shan maalmood.

Madaxwehynuhu wuxuu xusay in dowladdiisa ay doonayso in dadka oo dhan ay helaan cadaalad dhab ah, isagoo sheegay inaysan ogolaan doonin in qof uu ka dhex faa’iideysto dowladda iyo shacabka dhexdooda oo uu halkaas ka helo lacago uu daaro ku dhisto.

“Kan doonaya in dhibaatooyinka lagu jiro uu ka faa’iideysto oo uu guryo ka dhisto ma ogolaanayno.  Waxaan doonaynaa in dadkan Soomaaliyeed ay helaan cadaalad iyo garsoore wanaagsan,” ayuu si kulul u yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo intaas raaciyay inaysan ogolaan doonin in garsoorka sidii la doono laga yeelo.

Dhanka kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay inay qodobbadan dhaqangalayaan marka la marsiiyo baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xusay in muddadii shanta casho ahayd ee kulankan loo fadhiyay ay ergooyinku fikarado badan is-dhaafsadeen.

Shirweynihii shalay lasoo gabgabeeya ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo lagu qabto dalka, iyadoo madaxda dowladdu ay sheegeen in garsoorku yahay midka darajada koowaad uga jira howlahooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya