4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Jabuuti Tababar ugu soo xiray ciidammo boolis ah; Isagoo Maantana gaaray Addis Ababa (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tababar u soo xiray ciidammo booliis ah oo tiradoodu tahay 206, kuwaasoo muddo saddex bilood ah tababar ku qaadanahay xarunta tababarka ee ciidamada booliiska Jabuuti ee Idiris Faarax Habbane.

Ciidamadan oo loo tababaray ka hortagga rabshaddaha iyo isku-dhacyada dadweynaha ayaa waxaa tababarka siinayay tababarayaal caalami ah oo ka socda dalalka Yurub, waxayna munaasabadda kusoo bandhigeen xirfadihii la baray.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlayay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu tababar u soo xiro ciidankan isagoo kula dar-daarmay inay ummadda Soomaaliyeed ugu adeegaan tababarrada ay qaateen.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa kormeeray qeybaha deegaanka ee ciidanka, isagoo mar kale uga mahadceliyay dawladda Jabuuti daryeelka ciidankan ay u fidisatay intii ay tababarka ku jireen iyo sidoo kale dawladda Talyaaniga oo iyadu bixisay dhaqaalaha ku baxay tababarka ciidamadan.

Dhan kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa dalka Jabuuti ku sugnaa laba casho ayaa gellinkii dambe maanta ka dhoofay Jabuut iyagoo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Ra'iisal wasaaraha ayaa waxaa safarka uu ku tagay Addis Ababa ku wehlinayay, Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi, wasiirada arrimaha gudaha, Cabdikariin Xuseen Guuleed wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, wasiir-ku-xigeenka ganacsiga, Maxamed Cali Xaggaa iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka Addis Ababa kusoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Itoobiya, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi iyo xubno kale waxaana la dajiyay hoteelka Sharaton.

Ujeeddada safarka ayaa ah sidii ra'iisul wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga qaybgali lahaayeen dhismaha hay'ad loogu magac daray ra'iisal wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo lagu magacaabo (Melese Foundation), waxaana munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii.

Booqashada ra'iisul wasaaraha oo qaadan doonta muddo labo cisho ah ayaa waxaa la filayaa inuu kulammo madaxda dalka Itoobiya oo uu ugu horreeyo ra’iisul wasaaraha dalkaas, Hailamariam Desaling iyo mas'uuliyiinta IGAD.





















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya