4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo ku Goodiyay in Caalamka oo dhan uu ku beegsan doono Danaha Dhaqaale ee Mareykanka


Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Cumar Xamaami oo ah dagaalyahan u dhashay dalka Mareykanka oo ka barbar dagaalama Al-shabaab loogana yaqaan Soomaaliya, Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa shaaciyay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro Mareynka, uuna beegsan doono danaha Mareykanka uu ku leeyahay caalamka oo dhan.

Al-Amriiki oo dhawaan ay dowladda Maraykanku dul dhigtay isaga iyo ruux oo u dhashay dalka Mareykanka kuna sugan Soomaaliya lacag gaaraysa shan milyan oo doollar ayaa sheegay inuu si cad ula dagaalamayo dowladda Washington.

“Ma joojinayo dagaalka aan kula jiro Mareyknaka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ah, waxaana beegsan doonnaa danahooda meel walba oo aan kula kulmo,” ayuu Al-Amriiki u sheegay wargeyso caalami ah, isagoo xusay inuu ku sugan yahay Soomaaliya.

Sidoo kale, Al-Amriiki oo dhawaan Al-shabaab ay sheegtay inay ka joojisay howlo gaar ah oo uuu qaban jiray kana qaaday mas’uuliyado dhowr ah ayaa sheegay in inta badan waqtigiisa uu ku bixiyo beerista khudbradaha kala duwan iyo caawinta xaasaskiisa oo dhammantood Soomaali ah.

Al-Amriiki ayay ha’yadda FBI-da Mareykanku waxay ku dartay liiska waxay ugu yeertay dambiilayaasha Maraykanku raadinayo, iyadoo sidoo kale ay dul dhigtay wasaaradda arrimaha dibadda lacag fara badan sidii xogtiisa lagu heli lahaa.

Hoggaamiyahan oo kasoo jeeda gobolka Alabama ee dalka Mareykanak ayaa ka mid noqday Al-shabaab sannadkii 2006, isagoo tan iyo xilligaas dagaallo adag la galay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo ay tagaeerada ka hesho.

Inkastoo aanu sheegin halka uu kaga sugan yahay Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inuu natiisa u huro difaacidda diinta Islaamka, wuxuuna ka mid yahay ajnabiga ka barbar dagaalama Al-shabaab oo bartay luuqadda Soomaaliga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya