Sadex qof oo ku dhimatay weerar bambaano oo ka dhacay magaalada Garisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee Kenya
Jimco, April 05, 2013 (HOL) -Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in 3 qof
ay ku dhinteen kadib markii bam gacmeed lala beegsaday meel dukaan ah oo ay dad
wax ka iibsanayeen.
Waxaana la sheegayaa in dadka dhintay ay goobta ku nafbaxeen
halka dadkii dhaawaca ahaana la geeyay isbtitaal guud ee magaalada Gaarisa.
Weerarka ayaa ka dhacay xaafada Buulo Iftin, oo kamid ah
xaafada ah ay ka koobantahay magaalada Gaarisa.
Booliska Kenya oo soo gaaray goobta weerarku ka dhacay ayaa
halkaas ka sameeyay hawlgallo lagu soo xirxiray qaar kamid ah dadweynahihii
goobahaas ka ag-dhawaa.
Talaadadii lasoo dhaafay ayaa weerar midkaan lamid ah oo
cida gaysatay aan la aqoon ay ku dhinteen labo kamid ah ciidamada ammaanka ee
Kenya oo ku sugnaa isla magaaladaasi Gaarisa.
Ciidamada Kenya ayaa falalkaas kadib xabsiyada u taxaabay
dad ku dhow boqol qof oo laga soo qabqabtay magaalada Gaarisa, kuwaasoo markii
dambe la iska sii daayay sida uu sheegay taliyaha booliska gobolka waqooyi
bari.
Weerarada iyo qaraxyada ay gaystaan kooxo aan la garanayn
haybtooda ayaa ku soo batay gobolkaas, tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u
dirtay Soomaaliya, dabayaaqadii sannadkii 2011ka.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya