4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti isagoo kala hadlay Xaaladda dalka (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Ra'iisul wasaaraha oo ay wehliyaan, wasiirka arrimaha gudaha, Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Xaaj Maxamuud Faqi, Marwada Ra’iisul wasaaraha, xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa ayaa waxay la kulmeen madaxweynaha dlka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay ra'iisul wasaaraha cusub ee dalka Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada Jabuuti, iyadoo kaddib loo qaaday madaxtooyada dalka Jabuuti.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa kulankii uu la qaatay Geelle waxay kaga wada hadleen arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo iskaashiga, waxaana markii uu soo gabagaboobay warbaahinta la hadlay ra'iisul wasaare Saacid oo xusay in kulankooda ay uga wadahadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay iskaashiga labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa deris wanaagga.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in safarkan mid la mid ah uu ku tegi doono dalalka Itoobiya, Uganda iyo Burundi, isagoo rajo wanaagan ka muujiyay inay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan.

Dalalkan ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo nabad-illaaliyeyaal ah, waxaana sidoo kale ra'iisul wasaaruhu kala hadli doono dalalkaas arrimo khuseeya ciidamada iyo nabadgalyada Soomaaliya.

Ra'iisul wasaare Saacid ayaa tan iyo magacaabistiisii  bishii November 2012, wuxuu safarro kala duwan ku bixinayay gobollada iyo degmooyinka dalka si uu ugu kuur-galo xaaladaha dhabta ah ee ka jira, isagoo safarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo uu dalka dibaddiisa ugu ambabaxo.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya