4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Ururka Hormarinta Dhallinyarada Gobolka Hiiraan oo billaabay dib u dhis ay ku sameynayaan Goobaha Taariikhiga ahaa (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Ururka Hormarinta dhalinyarrada gobollka Hiiraan [Hiiraan Youth Development Association] ayaa bilihii ugu danbeeyayba ku howlanaa dib soo nooleynta goobihii danta guud, ayaa hadda billaabay in uu dib u dhis ama dayactir ku sameeyo goobihii taariikhiga ee ku bur buray dagaalladii ka dhacay dalka.

Mudo 20 sano ah kadib ayuu ururka markii ugu horeysay dhisme dib loogu dayactirayo ka billaabay taallada Daljirka Dahsoon magaalada Baladweyne oo  wax dib u dhis ah lagu sameyn tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka.

Guddoomiyaha Ururka hormarinta dhalinyarrada gobollka Hiiraan Max’ed C/llaahi Buraalle Raaxeeya ayaa sheegay in qorshahan ay ka bilaabeen magaalada Baladweyne uu yahay mid ay iska kaashanayaan dhalinyarrada ka tirsan Uururka oo sida uu hadalka u dhigay dhaqaalle ay iska soo ururiyeen kuwa wada howlaha dib loogu dhisayo goobihii taariikhiga ahaa ee  ku bur buray dagaallada si sare loogu qaado bilicda magaalada.

Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo soo booqday goobta dib u dhiska laga waday ayaa siweyn u bogaadiyay hindisa Ururka dhalinyarrada iyo sida ay ugu istaageen dib u dhiska iyo soo celinta bilicda goobihii taariikhiga ahaa ee magaalada Baladweyne oo ay ka mid tahay taallada Daljirka Dahsoon

“Ma’aha taalladan oo kaliya, laakiin dhamaan goobihii taariikhiga ahaa ee magaalada Baladweyne waxaa naga go’an in aan dib u dhis ku sameyno, waa in dadka ugu yaraan  dareensiinaa in iyaga oo cid kale wax ka sugin dib u dhis ku sameyn karaan dalkooda, qeyb kasta oo bulshada ah haddii ay qaadato kaalinta kaga aadan dib u dhiska, waxaan hubaan in dalka oo dhan dib loo dhisi karo,’’ ayuu yiri Max’ed C/llaahi Buraalle Raaxeeye.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa dhinacooda siweyn u soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen Ururka hormarinta dhalinyarrada gobollka Hiiraan oo sidoo kale dib u dhis ku wada jidad muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka oo mudo dheer bur bursanaa.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waa magaalo marka la eego xudun u ah isku socodka gobollada Koofurta iyo W/qooyiga dalka Soomaaliya waxaana saameyn ku yeeshay bur burkii laga dhaxlay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay kuwasoo sababay in ay baaba’aan goobo taariikhi ah oo qeyb weyn ku lahaa bilicda magaalada.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya