4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan Magaalada Garoowe oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Puntland

Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Booqashadan oo aan la ogeyn inta ay qaadan doonto ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo madaxweynaha Somalia uu ku tago Puntland oo ka qayb ka ah maamullada taageersan dowladda federaalka Soomaaliya.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha rasmiga ah ee ay wada hadli doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Puntland, ayaa haddana warar hoose waxay sheegayaan in waxyaabaha ay ka hadli doonaan labada mas’uul ay ka mid noqon doonto arrinta ku saabsan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka oo dowladda dhexe ay kasoo horjeeddo; halka Puntland ay ka taageersan tahay.

Puntland ayaa waxay ka mid tahay maamullada ka jira Soomaaliya ee sida tooska ah u taageersan dowladda federaalka Soomaaliya inkastoo ay horay u sameysatay calan u gaar ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horraantii bishii hore booqasho ku tagay Puntland, taasoo qaadaday muddo saddex maalmood ah, isagoo halkaas lagu saxiixay iskaashi oo dhexmaray Puntland iyo dowladda Soomaaliya.

Magaalada Garoowe ee xarunta Puntlnad ayaa waxaa ka socda diyaargarow lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ay ka mid noqonayaan wasiirrada muhiimka ee xukuumadda Soomaaliya ka tirsan.

Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya uu safar maalin ah ku tagay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaas oo kulan ku saabsan shirka London ee Soomaaliya loo qabanayo bisha soo socota kula yeeshay madaxweynaha Kenya, balse shirkaas laguma soo qaadin arrinta ku saabsan Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya