4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2013
Ururka Qareennada Somaliland oo Golaha Wakiillada Somaliland ugu Baaqay in ay Sameeyaan Xeerka Qareenadda Somaliland

Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Ururka Qareenadda Somaliland, ayaa ugu baaqay golaha Wakiiladda inay sameeyaan xeerka mihnadda qareenimo lagu nidaamiyo oo tayo leh si loo helo cadaalad iyo xeer madax banaan oo waafaqsan xeerarka caalamka.

Garyaqaanadan ayaa sheegay in rusqad siinta looyarka ay xukuumaddu gacanta ku hayso, taas oo aan u madax banaanaan karin hawshiisa qareenimo, isla markaana mabaadiidda aasaasiga ah ee doorka qareenada ee qaramadda midoobay lagu aqoonsaday doorka halbawlaha ah ee uu leeyahay urur mihnadeedka qareenadda kor u qaadista heer beega iyo anshaxa mihnadda iyo hirgelinta cadaalada oo xukuumduhu ixtiraamaan madax banaanidda qareenadda.

Sidoo kale, waxay wasiirka Cadaaladda usoo jeediyeen inuu joojiyo dhaqangelinta xeerka dastuurka aan waafaqsanayn ee hor yaalla golaha Wakiiladda, kaas oo aanay raali ka ahayn maadaama oo madax banaanidda qareenadda ka hor imanayo. 

1. Waxaan ugu baaqaynaa golaha Wakiilada oo uu xeerka qareenaddu horyaal in ay dib u habayn balaadhan ku sameeyaan xeerkan, soo saaraan xeer mihnadda qareenimo lagu nidaamiyo oo tayo leh, dhamaystiran heer beegga caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo madax banaanidda mihnadda qareenimo waafaqsan.

2. waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan xukuumadda, goleyaasha sharci deijnta iyo garsoorkaba in la aqoonsado doorka qareenadu cadaladda ay ku leeyihiin  lana ilaaliyo mabadiidda madax banaanida iyo xorriyadda mihnadda qareenimo.

3. waxaan ugu baaqaynaa wasiirka cadaaladda  joojinta dhaqangelinta xeerka dastuurka khilaafsan ee golaha Wakiiladda horyaal iyo farogelinta madax banaanida mihnadda qareenimo”ayaa lagu yidhi baaq laga soo saaray saddex qodob oo dabar ku ah madax banaanidda looyaradda.

Waxaana ku saxeexnaa Garyaqaan Yuusuf Kiric Cawad, Jaamac Cilmi Xaashi, Abuubakar Sh. Maxamuud.

Dhinaca kale, shir ay  yeesheen ururadda qareenada oo saddex cisho socday, ayaa lagu doortay gudoomiye cusub Garyaqaan: Foosi Sheikh Yoonis, ku xigeenna Xasan Cali Xasan, xoghayaha Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) iyo gole ka kooban 12 qof.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland